Jimco, October 10, 2008(HOL): Xaaladda Deegaanka Moqokori ee Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa xasiloon kadib dagaal maalintii shalay ahayd ku dhaxmaray Ciidamo ka tirsan Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Maleeshiyo beeleed ku heyb ah Nin rayid ah oo maalin ka hor ku geeriyooday Is-rasaaseyn dhaxmartay Ciidamada Maxkamadaha.
Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan deegaanka Moqokori ayaa lagu soo waramayaa in ay qaboojiyeen xiisada dagaal, waxaana wararku intaas ku darayaan in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah Maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo qaarkood loo soo gudbiyay Xabsiga Magaalada Beledweyne.
Dagaalka Maalintii shalay dhacay ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhitay mid ka mid ah Ciidamada Maxkamadaha halka Saddax Ruux oo rayid ahna uu dhaawac ka soo gaaray, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa Labo Ruux.
Ciidamada Midowgga Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa qaar ka mid waxaa ay u anba baxeen deegaanka Moqokori si uusan ammaanku faraha uga bixin, isla markaana loogu foojignaado in xiisaddu isku badasho mid beeleed.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia