Jimco, November 14, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Caasimadda u ah Dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaas gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Wararku waxay intaas ku darayaan in saacadaha uu isna halkaas gaari doono Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyadoo labada mas’uulba ay 24-kii saac ee tegay ku sugnaayeen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya
Waxaa jira warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in labada mas’uul ay isku af-garan waayeen wada hadallo ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa oo ku saabsanaa in xal loo helo khilaaf ka dhashay xubno Wasiirro ah oo uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo la sheegayo in Dowladda Itoobiya-na ay ku guuleysan weysay in ay heshiisiiso labadan Mas’uul ee madaxda ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa la eegayaa tallaabada xigta ee ay qaadaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasare Nuur Cadde oo uu mar kale soo shaac-baxayo khilaaf soo kala dhexgalay oo salka ku haya dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u gudbiyay liiska Wasiirro iyo wasiir ku xigeenno uu soo magacaabay, kuwaasi oo uu sheegay in uu madaxweynaha ka rajeynayo in uu saxiixo, walow ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha uu diidan yahay qaabka uu Ra’iisal Wasaaraha Wasiirradaas u soo xulay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha uu doonayo in Ra’iisal Wasaaraha uu soo dhiso Xukuumad cusub.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia