Jimco, November 14, 2008(HOL): 21-ka Bishan aynu ku jirno ee November 2008 oo ay ka harsan tahay 7 maalmood ayaa waxay ku beegan tahay waqtigii loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga guuraan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Sidaas waxaa dhigayay Heshiis ay dhawaan Jibouti ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka oo Ciidamada Itoobiya u yeeratay iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo meelaha ay Ciidamada ka baxayaanna ay kala yihiin Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan oo wax laga weydiiyay in ay Ciidamada Itoobiya mudada loo qabtay uga baxayaan fariisimada ay ku leyihiin Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in heshiiska uu sidaas ahaa, ayna qasab tahay in ay Itoobiyaanka ka baxaan meelaha ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho.
Col. Cumar Xaashi Aadan oo dhinaca kale ah Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in dabayaaqada bisha soo socota ee December uu qorshuhu yahay in ay ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan Soomaaliya oo dhan.
Haddaba iyadoo waqtigaas cayiman loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya ayaa hadana waxaa sii socda dagaallo lagu qaadayo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, inkastoo dagaalladaas aysan u xoogganeyn sida kuwii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho oo kale.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegaa sida uu dhaqangal u noqdo heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dibu xoreynta oo qodobadiisa ugu muhiimsan ay ahaayeen in xabadda la joojiyo iyo in Ciidamada Itoobiya ay marka hore ka baxaan farisiimo ay Muqdisho ku leeyihiin, kadibna dalka oo dhan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia