Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay Baadhitaannada lagu wado Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa

Cabirka Farta

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe
Isniin, 10 November 2008 (HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in aan laga degdegin baadhitaannada lagu wado ciddii ka dambaysay Qaraxyadii Hargeysa, isla markaana wuxuu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay xoojiso amniga dalka.

Guddoomiyaha UCID oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in baadhitaannada la wadaa ay yihiin kuwo maraya marxalado kala duwan, sidaa darteed loo baahan yahay in la sugo natiijada ka soo baxda. Isaga oo sidoo kale Shir-kaa Jaraa’id ku soo hadal qaaday baaq ay jeediyeen Urur ka mid ah Ururada Saxaafadda Somaliland, kaas oo Xukuumadda lagaga dalbanayay in Maxkamadda la hor keeno Weriye Xadiis Maxamed Xadiis oo ay Ciidamada Boolisku ku xidheen tuhun la xidhiidha Sawiro uu ka qaadayay Qaraxyadan ama loo soo celiyo xorriyaddiisii. Waxaanu ku baaqay in aan Xukuumadda culays lagu saarin sii-daynta dadka xidhan oo uu sheegay in baadhis ka dib la sii dayn doono ciddii waxba lagu waayo.

Guddoomiyaha UCID waxa uu Madaxweyne Rayaale ku dhalliilay oo uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyay Xilkii loo igmaday. Dhinaca kalena, waxa uu Faysal Cali Waraabe Laanta Af-ka Soomaaliga ee BBC-da ku eedeeyay in aanay dhex ka ahayn baahinta Idaacadda, isla markaana ay dhinac u xagliyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.  “Aniga iyo Cabdilaahi Yuusuf-ba waa nalaga joojiyay Idaacadda BBC-da” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.  
Maaha markii ugu horraysay ee Guddoomiyaha UCID ka hadlo Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29-kii October, hase ahaatee dood ay ay arrintan ka yeesheen Axsaabta Dalka iyo Dawladdu ayay si wada-jir ah ugu dhaleeceeyeen Weeraradan.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Onine
[email protected]
Hargeisa, Somaliland