Waa sidee Xaaladda ammaan ee Magaalada Hargeysa waqtigan?

Cabirka Farta

Isniin, 10 November 2008 (HOL): Intii ka dambaysay Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa ee lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xarunta Hay’adda UNDP ee Hargeysa iyo Xafiiska Ganacsi ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa, waxa Ciidamada ammaanka Somaliland iyo Xukuumadduba adkaysay dhammaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan Magaalada Hargeysa. Iyada oo Kaabado waawayn oo Sabbad ah la dhigay Albaabka hore ee Madaxtooyada, isla markaana lagu soo wareejiyay Xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Ciidamada amniga Somaliland ayaa dhooban Jidadka Magaalada Hargeysa, isla markaana waxa aad loo adkeeyay baadhitaannada lagu wado Gaadiidka waqtiyada Habeenkii, iyada oo Jidka hormara Madaxtooyada Somaliland ay ilaalo adag ka hayaan Ciidamada Qaranku, islamarkaana waxa lagu arkayaa Baabuur Tikniko ah oo goobtaa ku sugan.

Xarunta Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ka mid ah Goobaha sida aadka loo adkeeyay ammaankeeda, iyada oo guud ahaan Xayndaabka Deyrka hore ee Xarunta lagu wareejiyay Kaabado waawayn oo Sabbad ah. axa wali Ciidamada Somaliland ku sugan yihiin Heegan culus oo uu amray Madaxweyne Rayaale 29-kii October oo ahayd waqtigii Qaraxyada lala beegsaday goobaha ugu muhiimsan ee Madaxtooyada, Xarunta UNDP iyo Xafiiska Itoobiye ee Magaalada Hargeysa.

Baadhitaannada lagu wado ciddii soo abaabushay Weeraradan ayaa wali socda, iyada oo ay hadda Xabsiga ku jiraan dad aan tiradooda la sugin, hase ahaatee tiradoodu gaadhayso afartameeyo. Inkasta oo ay Masuuliyiinta Somaliland ee amnigu sheegeen in baadhistu socoto, haddana ma jirto ilaa hadda wax maxsuul ah ama natiijo ka soo baxday Baadhitaannadan. Hase ahaatee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in ay gebogebo ku dhawdahay baadhistani.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Onine
[email protected]
Hargeisa, Somaliland