Khasaaraha ka dhashay Duqeyntii ay Diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb oo sii kordhaya

Cabirka Farta

Qaar ka mid ah Dadka ku nool Degmada Dhuusa-mareeb oo dhex socda burburka Guryihii ay duqeeyeen Mareykanka. Photo By: Abdi Guled/Reuters
Jimco, May 02, 2008(HOL): Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay duqeyn ay shalay aroortii ciidamada Mareykanka ay ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo duqeyntaasna ay ku geeriyoodeen Aadan Xaashi Ceyroiw iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo ahaa Hoggaamiyayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Cilmi Xasan Carab oo ka mid ah Odayaasha Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in duqeyntaas ay ahayd mid ay ku dhinteen Dad gaaraya 25 Ruux, halka ay ku dhawaacmeen dad 30 ruux kor u dhaafaya, wuxuuna xusay in ay madaafiicda lagu duqeeyay magaalada Dhuusa-mareeb ay ahaayeen kuwo aaney weli horay u arag.

Cilmi Carab waxaa uu sheegay in aaney aqoonin wax ay yeelaan, wuxuuse caddeeyay in ay qaban-qaabinayaan dibadbax looga soo horjeedo duqeyntii loo geystay Degmada Dhuusa-mareeb, taasi oo uu sheegay in ay xitaa ku dhinteen dad biri-map-geydo ahaa.

“Duqeynta waxay saameysay guryo ku yaalay dhul baaxaddiisa dhan tahay 500 oo mitir, waxaana halkaas ku dhintay dad ay ku jireen Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah oo ay guryahooda ugu tageen firirka madaafiicdii magaalada lagu garaacay”ayuu yiri Cilmi Xasan Carab.

Ilaa iyo haatan ma jirto faah faahin rasmi ah oo ay Dowladda Mareykanka ka bixisay duqeyntii ay Ciidamadeeda u geysteen Degmada Dhuusa-mareeb, marka laga reebo in Saraakiil u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ay sheegeen in ay duqeeyeen bartilmaameedyo ay hubeen oo ay ku sugnaayeen rag argagixiso ah, waa sida ay hadalka u dhigeene. Sidoo kalena waxaanan jirin wax faah-faahin ah oo ay duqeyntaas ka bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Duqeyntaas ay Ciidamada Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku geeriyooday Aadan Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo ay sidoo kalena la geeriyoodeen dad kale oo ay ku wada jireen guri lagu duqeeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia