Jimco, May 02, 2008(HOL): Hal Qof ayaa geeriyooday labo ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay saarnaayeen oo BL ah ay rasaas huwiyeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan.
Ilaa iyo haatan lama oga sababta ay Ciidamada rasaasta u huwiyeen gaarigaas oo ahaa midka Dadweynaha, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in gaariga uu soo maray meel ay Ciidamada Gaadiidka ka celinayeen, sidaasna rasaasta loogu furay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay rasaas huwiyaan gaadiid ay dad rayid ah la socdaan, dhawaan ayayna ahayd markii gaari BL ah oo marayay gudaha degmada Xamarweyne uu rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyadoo sababta gaarigaas uu u rasaaseeyayna ay ahayd iyadoo darawalkii gaarigaas kaxeynayay uu la cararay lacag 2 kun Shilin Soomaali ah oo uu askarigaas Gaadiidka BL-ka ah ka uruursanayay.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka marayay nawaaxiga Shineemo Soomaaliya ee Wadada Makka Al-Mukarrama ayaa waxaa lala beegsaday qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, iyadoo la soo sheegayo in aaney Ciidamada qaraxaas waxyeello ka soo gaarin.
Wuxuu ahaa Qaraxii Shanaad oo Ciidamada Itoobiyaanka lagula beegsado nawaaxiga Shineemadaas, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadaas lala beegsadayna uu Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray khasaare Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Gaadiid isugu jiray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia