Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku adkeysanaya in uusan wada hadal la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabirka Farta

Isniin, May 12, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa  wuxuu ku adkeysanayaan in uusan wax wada hadal ah la yeelaneynin Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo inta ay dalka Soomaaliya joogaan Ciidamada itoobiya.

Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa waxaa haatan ku wada sugan Wufuud ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo lagu waday in ay wada hadallo ku yeeshaan halkaas, laakin ilaa iyo haatan ma jiraan wax wada hadallo ah oo labada dhinac dhexmaray.

Labada Wafdi ayaa waxay kala degan yihiin labo Hotel oo Magaalada Djibouti ku wada yaala, ilaa iyo hadana ma jiraan wax is-arag ah oo ay labada dhinac yeesheen, marka laga reebo mas’uuliyiin ka socota Qaramada Midoobay oo labada wafdi si gooni gooni ah ula kulmaya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa dhawaan sheegay in aaney wax wada hadal ah la yeelaneynin Dowladda Federaalka, haddii ay cid wada hadal la gelayaana ay la hadlayaan Qaramada Midoobay oo sida uu yiri iyada dhaqaale bixisa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Ashkir Cabdi oo hoggaaminaya wafdi ay Dowladda Federaalka u dirsatay Wada Hadallada ayaa sheegay in ay mar kasta diyaar u yihiin wada hadalada, isla markaana aysan jirin wax shuruud ah oo ay ku xirayaan, isagoo caddeeyay in marka ay wada hadallada bilowdaan laga hadli karo wax kasta oo la isku hayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia