Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka lagu weeraray agagaaraha Isgoyska Towfiiq

Cabirka Farta

Isniin, May 12, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa marka la weerarayay waxay socod ku marayeen wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Towfiiq, waxaana weerarka lagu qaaday loo adeegsaday qarax ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, kaasi oo sababay in ay geeriyoodaan qaar ka mid ah Askartii Itoobiyaanka, sidoo kalena uu burbur soo gaaro gaarigii ay wateen.

Qaraxaas ayaa markii uu dhacay waxaa ku xigay is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamadii Itoobiyaanka iyo weliba Kooxihii weerarka ku soo qaaday, waxayna is-rasaaseyntaas socotay muddo nus saac ah.

Qaraxaas iyo is-rasaaseynta daba socotay ayaa waxay saameyn ku yeesheen isu socodkii dadka, gaadiidka iyo weliba ganacsigii ka socday nawaaxiga halka uu iska hor-imaadka ka dhacay, inkastoo labo saacadood kadib uu jawiga caadi ku soo noqday kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku kala noqdeen fariisimada Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium oo ay markii hore ka soo baxeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco Isgoyska Towfiq ee Degmada Yaaqshiid, waxaana jiray dhowr jeer oo halkaas lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaan ah oo isugu jiray kuwo howlgallo sameynayay iyo kuwo Wadada Warshadaha marayay.

Dhanka kalena, Xaafadda Raadheerka ee Degmada Dayniile ayaa saaka waxaa ka dhacay qarax lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo baxeen dhinaca Xaruntii Shiirkole, lamana oga  ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo Ciidamada qaraxaas ka soo gaaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia