Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Buulo-Burte

Isniin, March 31, 2008(HOL): War deg deg ah oo naga soo gaaray Degmada Buulo-Burte ayaa wuxuu sheegayaa in Dagaalkii Degmadaas ka socday ilaa sakaa ay ugu dambeyntii ku awood roonaadeen Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
 
Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay Degmada gebi ahaanba isaga baxeen Ciidamadii beryahan ku sugnaa ee ay wateen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Cumar Xabeeb (Jaandhaay), kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay aadeen.

Yuusuf Dabageed iyo Axmed Jaandhaay oo beryahan ku suganaa Degmada Buulo-Burte ayaa waxay sheegeen in sababta ay isugu tageen Degmadaas ay tahay sidii ay deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uga sifeyn lahaayeen Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada Gobol iyo Ciidamada ay wataan ayaa waxay gaareen Degmada Buulo-Burte kadib markii Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay waqti kooban la wareegeen Degmooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyntiina,  waxaa jira dhaqdhaqaaq ay wadaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan duleedyada Degmada Beledweyne, kuwaasi oo la sheegayo in ay doonayaan inay u dhaqaaqaan dhinaca Degmada Buulo-Burte oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia