Isniin, March 31, 2008(HOL): Dagaal Culus oo la isugu adeegsanayo noocayada kala duwan ee hubka isla markaana u dhaxeeya Ciidamadda Maamullada Gobolladda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Kooxo hubuysan oo ka soo horjeeda ayaa goor dhaweyd ka qarxay Degmda Buulo-burte iyo Deegaanka Halgan oo ka wada tirsan Gobalka Hiiraan.
Dad ku sugan Degmada Buulo Burte oo aan la xiriirnay ayaa waxay sheegeen in 4 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen Dagaalka ka socda Deegaanka Halgan, wuxuuna warku intaas ku darayaa in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay isku fidiyeen gudaha iyo daafaha Deegaankaas halka kuwa ka soo horjeedana ay xoogga saarayaan sidii ay ula wareegi la haayeen gacan ku heynta dhamaan Deegaanka Halgan.
Intaas kadib ayaa dagaalkii oo sii xoogeystay wuxuu ku fiday Degmada Buulo Burte iyadoo lagu soo waramayo in Ciidamadii is-biirsanayay ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay dagaal xooggan kala kulmayaan Kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaadeen.
Dad rayid ah oo ku sugan gudaha Degmadda Buula-burte ayaa u sheegay HOL in arkeen meydka Ciidamadda Dowladda iyo waliba qaar ka mid ah gawaaridoodii dagaalka oo ay wataan kooxaha ka soo horjeedda, waxaana ay intaas ku dareen in hadda dagaalka xooggiisu uu ka socdda Hotelka lagu magacaabo Camalow oo ay ku sugan yihiin Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Gudoomiye ku-xigeen Gobalka Shabeeladda dhexe Axmed Cumar Jaandhaay.
Qaar ka mid ah Xaafadaha Degmada ayaa lagu arkayaa Kooxaha ka soo horjeedda Dowladda oo sida wararku sheegayaan ka dagaalamaya halka Ciidamada labada Maamul ay xoogga saarayaan sidii loo difaaci lahaa oo ah Hotelka ay ku jiraan Mas'uuliyiinta labada Gobal.
Inkastoo wali aan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaaladda ka dhacaya Degmada Buula-burte iyo Deegaanka Halgan hayeeshee wixii ku soo kordha dagaalkan waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa wararkeena dambe haddii Alle idmo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamullada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo goor dhaweyd ka qarxay Degmada Buulo-Burte
More News
- Shirweynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye oo lagu doortay Hoggaanka Xisbiga ee Shanta sano ee soo socota
- Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Buulo-Burte
- Dagaal ka dhacay Isgoyska Florenza ee Muqdisho
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Sun lagu dili lahaa ay Qoyskiisa ku sumoobeen
- Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday friisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin Deegaanka Ceel Cadde
- Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolyaga oo ka warbixiyay waxqabadkiisa intii u dhaxeysay 2005-2007
- Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo gurigiisa lagu weeraray Bambo-gacmeed