Isniin, March 03, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay xalay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Buur Hakaba.
Wararku waxay intaas ku darayaan in intii ay Xoogagga Al-Shabaab ku sugnaayeen Degmada Buur-Hakaba ay dileen Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada oo lagu magacaabi jiray G/lle Dhexe Maxamed Yacquub.
Saaka markii uu waaga baryay kadib ayaa lagu soo waramayaa in ay Xoogaga Al-Shabaab isaga baxeen Degmada Buur-Hakaba oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in ay dhinaca Degmada Buur-Hakaba u soo amba baxeen Guddoomiyaha Gobolka Bay C/faraax Maxamed Ibraahim Geesey, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Col. Ibraahim Maxamed Kutub iyo weliba Guddoomiyaha Degmada Buur-Hakaba Maxamed Aw-kaarey, kuwaasi oo la sheego in ay wateen Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo ay ka soo kaxeysteen Magaalada Baydhabo.
Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay dhawaanahan ku sugnaayeen deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose iyagoo dhawaanna la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor iyo weliba Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia