Isniin, March 03, 2008(HOL): Weli waxaa sii socda is-casilaad ay sameynayaan Guddoomiye Waaxeedyo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-casilaadooda ku dhawaaqay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ku saabsan in la dilayo haddii aysan isaga bixin shaqada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xalay oo ugu dambeysay waxaa is-casilay labo Guddoomiye Waaxeed oo ka tirsanaa maamullada Degmooyinka Kaaraan iyo Shibis ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-casilaaddooda fasiraad kala duwan ka bixiyay.
C/qaadir Maxamuud oo ahaa Guddoomiyaha Laanta 3aad ee Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan ayaa wuxuu sheegay in uu go’aanka is-casilaadda ah qaatay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ku saabsan in la dilayo haddii uusan ka bixin shaqada uu u hayo Maamulka Degmada Kaaraan, wuxuuna si cad u sheegay in uu naftiisa u baqay, isla markaana uu shaqadaas isaga tegay, isagoo weliba caddeeyay in uu shaqo ka tegistiisa la socodsiiyay Mas’uuliyiinta Degmada Kaaraan iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kalena, Maxamed Maxamuud Weel-furate ayaa isna sheegay in uu iska casilay howshii uu ka hayay Degmada Shibis, wuxuuna sheegay in sababta uu isu casilay ay ahayd isagoo la shaqeyn waayay maamulka Degmada oo uu ku eedeeyay in uu Degmadaas ku soo rogay canshuur iyadoo aan la sugin ammaanka xaafadaha kala duwan ee Degmada.
Maxamed Maxamuud Weel-Furate oo ahaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Degmada Shibis waxaa uu sheegay in aysan jirin wax hanjabaad ah oo soo gaaray balse uu go’aansaday in uu is-casilo kadib markii uu ku qanci waayay qaabka uu wax u wado maamulka ka sareeya ee Degmada Shibis.
Ma ahan mas’uuliyiintii ugu horeysay oo iska casilay xil ay ka hayeen Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jiray Guddoomiye Waaxeedyo iyo Guddoomiye Laameedyo ka tirsanaa Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-casilay kadib markii ay ka baqeen in loo dilo sabab la xiriirta xilalka ay hayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia