Maxaa ka soo baxay shirkii ay maanta yeesheen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye?

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye Maxamed Xasam Xaad

Axad, March 23, 2008(HOL): Kulankii ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa gunaanadkiisii waxay labada dhinac ka caddeeyeen in ay wada yeesheen kulamo muhiim ah oo loo baahnaa in ay labada dhinac yeeshaan.

Kulanka ay labada dhinac isugu yimaadeen oo ka dhacay Xarunta Dugsigii tababarka Xalane oo haatan fariisin u ah Ciidamada Amisom ayaa waxaa gunaabadkiisii saxaafadda la hadlay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Maxamed Xasan Xaad oo labaduba sheegay in ay isku af-garteen waxyaabihii ay isku soo qaadeen.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheeagy in ay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye u gudbiyeen Istaaraatiijiyadda Dib u heshiisiinta ah ee ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, “Istaraatiijiyadda Dib u heshiisiinta ee ay soo bandhigtay Dowladda oo ujeedeedu ahayd in dalka Soomaaliya lagu nabadeeyo, Umadda Dalka ku noolna dhibaatada looga saaro ayaan u gudbinay golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, waxaana aaminsannahay in ay cid kasta oo Soomaali ah muhiimad gaar ah u leedahay in xal loo heli mushkiladda Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in ay sidoo kale talooyin kala qaadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, “Waxaa kale oo aan ka wada hadalnay sidii nabad looga aslaaxin lahaa Soomaaliya, sidii dib u heshiisiinta loo dhaqangelin lahaa, talooyin badanna waan istusnay oo wax ku ool u noqon kara nabadeynta, waxaana u gudbinay Golaha Istaraatiiyaddii Dib u heshiisiinta Dukumiintigeedii, annaga oo aaminsan in golaha uu qeyb weyn ka qaadan karo dib u heshiisiinta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in shirka ay la yeesheen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu ahaa mid hordhac ah oo wax isu soo dhaweyn kara, “shirkii aan la yeelanay Ra’iisal Wasaaraha wuxuu ahaa shir  hordhac ah oo wax isu soo dhaweyn kara, waxaana uga hadalnay sida loo wajahi karo dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, waxaa nalagu wareejiyay Dukumiintigii dib u heshiisiinta, dib ayaan ula noqon doonnaa, shirar ayaana ka yeelan doonnaa annaga iyo xubnaha kale ee golaha iyo taageerayaasheena, waxaan ka qaadan doonnaa wixii laga qaadan karo, wixii sixitaan u baahanna waan ku soo celin doonnaa” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
 
Shirkii ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo saacado badan qaatay ayaa dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa Ra’iisal Wasaaraha ku wehlinayay Ra’iisal Wasaare ku xigeennadiisa kala ah Saalim Caliyow Ibrow, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Wasiirka Beeraha Mustaf Dhuxulow iyo xubno kale, halka Maxamed Xasan Xaad ay ku wehlinayeen kulanka xubno ay ka mid ahaayeen Afhayeennada Dhaqanka iyo Siyaasadda  Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, C/llaahi Dheere, Shiikh Axmed Cali Gees iyo xubno kale.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kulankii dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo qaati ka taagan nabadgelyo la’aanta la soo deristay ee ay sababta u yihiin dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo haddii ay xal gaari lahaayeen ay wax weyn u noqon lahayd Dadka Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia