Axad, March 23, 2008(HOL): Dhaqtarkan oo lagu magacaabi jiray Dr Cumar Maxamed Shiikh Abuukar ayaa maanta waxaa uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Rasaas ay isku fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo isku rasaaseeyay meel u dhow goobtiisa shaqo.
Dhaqtarka ayaa xiliga ay ku dhaceysay Rasaasta waxaa uu socday agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in iyagoo dad baaranayay ay weerar ku soo qaadeen Kooxo hubeysan.
Dhaqtarka ayaa agagaarka Isgoyska Dabka waxaa uu ku lahaa Goob caafimaad oo lagu daweeyo dadka indhaha ka xanuunsanaya, waxayna geeridiisa timid iyadoo ay jiraan bukaano uu gacanta ku hayay daweyntooda.
Sida ay sheegeen Dad ehello la ah marxuum Dr. Cumar Maxamed Shiikh ma ahayn rasaasta haleeshay Dhaqtarka mid loola qasaday, waxay sheegeen in ay rasaastaas ahayd mid ay is-weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Mar sii horeysay ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Muqdisho Dhaqtar isna indhaha daweyn jiray oo la dhashay Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur Shaar-gaduud oo Dowladda Federaalka ka tirsan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Dr. Xuseen Maxamed Nuur, iyadoo xiliga Dhaqtarkaas la dilayayna ay u jiifeen Isbitaal uu ka howlgeli jiray Bukaanno uu indhaha qalliin kaga sameeyay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore waxaa ka dhacay dilal loo geystay Aqoonyahanno badan oo howlo muhiim ah u hayay Shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood loo dilay sabab la xiriirta wanaaggii ay bulshada u hayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia