Kulan ay isugu yimaadeen Abwaanno iyo Aqoonyahanno oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Burco

Isniin, 10 March 2008 (HOL)- Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayey dhibaatada xiligan ka taagan tahriibta dhalinyarada, oo ay ka qaybgaleen aqoonyahano, Abwaanno iyo qaybo kale oo ka mid ah bulshada,  ayaa shalay lagu qabtay xarunta Jaamacada Burco ee gobolka Togdheer.

Kulankaasi oo ay soo qabanqaabisay Qaybta Daraasaadka iyo cilmi-baadhista dhaqanka ee Jaamacada Burco,  isla markaaana ay gacan ka geysatey Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa waxa goobjoog ka ahaa abwaano, Madaxda Maamulka gobolka iyo Boqolaal  kamida Waalidinta reer Burco. Waxayna ujeedada ugu weyn ee laga lahaa  ay ahayd sidii Bulshada loogu baraarujin lahaa halinta sii kordhaysa ee ka timaada dhalinyarada  ka haajiraysa Somaliland ee usii jeeda Waddamada Yurub iyo Carabta.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadrawi) oo isagu bud-dhig u ahaa fikirka kulankan, ayaa shaaca ka qaaday in sababta ugu weyn ee dhiirigalisay arrintani ay tahay nolol dhalanteed ah oo dhalinyarada loogu sheego inay ka jirto Dibedaha, taas oo uu sheegay inay tahay sababta ugu wayn.

Abwaanku waxa kale oo sheegay in mushkiladaha Tahriibta oo ay ku idlaadeen boqolaal caruur iyo dhallinyaro ahi, isla markaana aanay is waafaqsanahayn xaqiiqda ka jirta wadamada loo tahribaayo iyo sawirka qofku sito. “Mushkiladani waxay Baabi’isay dhaqankii iyo qoyska waxaan ku faraxsanahay in Mushkiladan layla ogaado,” ayuu yidhi.

Prof Cabdisalaam Yaasin oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Burco ayaa waxa uu xusay xalka kaliya ee lagu dabooli karo mushkilan inay tahay in la fududeeyo waxbarasho taas oo uu faahfaahin ka bixiyay doorka Jaamacada Burco ay ka qaadatay diyaarinta adeega Waxbarashada, isaga oo uu xusay in xiligan  Jaamacada Burco u baahan tahay 120,000  000 Dolar oo lagu wado Shanta sannadood ee soo socota.

Boqollaal oo dhalinyara ah ayaa dhawrkii sano ee la soo dhaafay  ka tahriibay degaamada gobolka Togdheer kuwaas oo daraasiin ka mid ahi ay ku nafwaayeen xeebaha Mediterranean iyo Saxaaraha Suudaan, iyadoo gobolka Togdheer  lagu tilmamao meelaha  ugu tahribta badan dalka.

Sidoo kale Ciise Maxamuud Faarax   oo ah  Maareyaha Shirkada Telesom Burco  ayaa isaguna cadeeyay in ay Barnaamijkan ku bixiyeen lacag culus sida ay uga qayb qaateen joojinta arintan ayna shirkadiisu sii wadayso iyadoo uu Masuuliyiinta  xisbiyada qaranka kala hadlaan waalidiinta arintan.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.