Isniin, March 10, 2008(HOL): Waxaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ku sii jeeda Magaalada Dakar ee Dalka Senegal.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa inta uu joogo Magaalada Dakar ee dalka Senegal in uu ka qeybgeli doono Shir ay halkaas ku leeyihiin Madaxda Dalalka Islaamka, iyadoo la filayo in shirkaas looga hadlo dhibaatooyinka ka taagan dalalka Islaamka oo ay Soomaaliyana ka mid tahay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu shirkaas ka jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha ay qabatay Dowladdiisa iyo waxyaabihii ay qaban weysay, isagoo ay dhici karto in uu madaxda Wadamada Islaamka ka codsado in ay taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhawaan ayay madaxda dalalka Islaamka waxay sheegeen in Soomaaliya ay tahay dal Muslim ah oo la ilaaway, iyadoo ay soo jeediyeen Madaxda dalalka Yemen iyo Turkey in xaaladda Soomaaliya looga hadlo shirka Dakar si go'aan mideysan ay uga gaaraan dalalka Islaamka Xaaladda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha dalalka Islaamka ee ay rabshaduhu ka jiraan, sida Ciraaq, Afghanistan, Falastiin iyo kuwo kale oo ay mushkilado ka jiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia