Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu baaqay Mudanayaal ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka in ay muddo lix maalmood ah Baydhabo ku tagaan

Cabirka Farta

Sabti, June 21, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo maanta Mudanayaasha Baarlamaanka kula hadlayay Xarunta KMG ah ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu baaq u diray Mudanayaal ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka in ay muddo lix maalmood gudahood ah ku tagaan Xarunta Baarlamaanka.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in 27-ka bishan ay bilaaban doonaan fadhiyadii baarlamaanka, sidaas darteedna wuxuu xusay in Mudanayaasha Baarlamaanka looga baahan yahay in ay waqtigaas ka hor tagaan Magaalada Baydhabo.

Xildhibaannadan baaqa loo jeedinayo oo badankood ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ayaa waxay sheegayaan warar laga helay Xildhibaannadaas qaarkood in ay amni darro uga soo carareen Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo ka warbixinayay Socdaallo uu ku soo kala bixiyay dalal dibadda ah ayaa wuxuu ka hadlay cabashooyin dhawaanahan ka soo baxeysay Mudanayaasha Baarlamaanka, taasi oo la xiriirta mushaar la’aan la soo deristay Xildhibaannada Baarlamaanka.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in uu dhawaan kulamo kula soo qaatay Magaalada Nairobi Deeq-bixiyaasha Caalamka, isla markaana uu kala soo hadlay sidii ay dhinaca Dhaqaalaha uga taageeri lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, “Mar dhow waxaan rajeynayaa in ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya heli doonaan gunnooyinkoodii”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in Xukuumadda Federaalka ay dhaqaale ka heshay deeq-bixiyayaasha Caalamka, Baarlamaanka uu dhawaan heli doono.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa khudbad uu isna u jeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka wuxuu ku sheegay in ay Mudanayaasha Baarlamaanka dhibaato ku qabaan safarrada ay dibadda ugu amba baxaan, wuxuuna sheegay in aanan loola dhaqmin sida mudanayaal Baarlamaan oo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia