Sabti, 21, Jun, 2008 (HOL) Nin ku hubeysan Bastoolad ayaa goor dhaw ku toog tahay meel Biinito ah bartamaha Magaalada Beledweyne Askari magaciisa lagu soo gaabiyay Kuusow horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Federaalka Itoobiya lakiin hada Maamulka Gobalka Hiiraan kala shaqeynayay dhinaca Nabad-galyada.
sida uu HOL u sheegay qof goob jooge ah Ninka falka dilka ah geystay ayaa ku amaray Askariga dhintay in uu diabda u soo baxo isaga oo intaa kadibna rasaas ooda kaga qaaday, waxaana intaa kadib Xaafada Howl-wadaag oo ah halka falku ka dhacay laga maqlay rasaas ay ridayaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan.
Mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka ayaa u sheegay HOL in Askariga dhintay uu horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Federaalka Itoobiya isaga oo dhowr sano ka hor ka goostay shaqadii uu ka hayay Federaalka Itoobiya, waxaana uu Sarkaalku intaa raaciyay in wixii waqtigaa ka danbeeyay uu la shaqeynayay Maamuladii soo maray Gobalka tan iyo markii la dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka cusub ee dhawaan la soo magacaabay uu kala shaqeynayay dhinaca Nabad-galyada.
Lama oga ilaa hada cida dhab ahaan ka danbeeysan dilkiisa inkastoo warar qaar ay sheegayaan in dileen kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidmada Itoobiya.
Waa markii ugu horeysay oo dilkan oo kale ah uu ka dhaco bartamaha Magaalada Beledweyne wixii ka danbeeyay markii la soo dhisay Maamulka cusub ee uu hogaaminayo max'ed Axmed Dhagweyne oo aan la ogeyn warka uu ka soo saari doono dilka Askariga ka tirsanaa Ciidamada Nabad-galyada.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa xaalada Magaalada Beledweyne waxaa ay aheyd mid qasan marka laga eego dhinaca amaanka, waxaana dilka dhinacay uu sii badinayaa shakiga dadka intaasa badan uu ka qaban dhinaca Nabad-galyada oo la leeyahay malaha Ciidamo ku filan oo wax ka qaban kara.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Askari horey uga trisanaan jiray Ciidamada Itoobiya laakiin hadda la shaqeynayay Maamulka G/Hiiraan oo goor dhaw lagu dilay bartamaha magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu baaqay Mudanayaal ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka in ay muddo lix maalmood ah Baydhabo ku tagaan
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Magaalada Burtinle
- Bukaanno uu soo ritay Xanuunka Shuban-biyoodka oo ku dan-dareysan Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho