Arbaco, June 18, 2008(HOL): Waxaa saaka qarax Miino ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee qeybta galbeed Xasan Jiif-yare, kaasi oo gaari uu la socday ay miino kula qaraxday nawaaxiga Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.
Gaariga ay Miinada la qaraxday ee uu Taliyahaas saarnaa ayaa la sheegay in ay sidoo kale ku geeriyoodeen Ciidamo la socday Taliyahaas geeriyooday, waxaana la sheegay in gaarigii ay saarnaayeen oo ahaa TOYOTA LandCrouser uu gebi ahaanba gubtay.
Gaarigaas Miinada la kacday ee uu ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Booliska ee Qeybta Galbeed ayaa markii ay Miinada la qarxeysay waxaa uu wax ka sugayay ammaanka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saaka dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho kadib booqashooyin uu ku soo kala bixiyay Dalalka Ethiopia iyo Jibouti.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Wadadaas Miino kula qaraxdo Ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo halkaas qaraxyo lagula beegsaday, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in halkaas mar sii horeysay qarax lagula beegsaday qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, Qaraxii ugu waxyeellada badnaa ee Wadadaas ka dhacayna wuxuu ahaa mid lala beegsaday Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen Haween Qaadka ka ganacsada, kuwaasi oo uu qaraxaas ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho tiro badan iyo dhaawac aad u culus, iyadoo qaraxa lala eegtay Haweenkaasna ay si weyn uga xumaadeen Dad badan oo Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia