In ka badan 60 Qof oo dhaawac ah oo 24 saacadood gudahood la dhigay Isbitaallada Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Arbaco, June 18, 2008(HOL): In ka badan 60 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay la dhigay Isbitaallada Magaalada Muqdisho kadib dagaallo ay dadkaas waxyeello ka soo gaartay oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) ayaa sheegay in Isbitaalkaas la geeyay 15 qofood oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku soo dhaawacmeen dagaallo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Dadka naloo keenay dhamaantood waxay qabaan dhaawac rasaaseed iyo firir ka soo gaaray madaafiic kula dhacday guryahooda, intii nala soo gaarsiiyayna waxaan u sameynay qalliin iyo daweyn”ayuu yiri Daahir Dheere.

Isbitaalka Keysaney oo isna ka mid ah Isbitaallada la dhigo dadka ku dhaawacma Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dad dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaasi oo tiradooda ka badan tahay 40 ruux.

Xaaji Muuse Xasan Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Keysaney ayaa sheegay in ay Isbitaalka jiifaan dad dhaawacyo kala duwan qaba, wuxuuna caddeeyay in ay daweeyeen dadkii la soo gaarsiiyay, kuwaasi oo uu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo.

Isbitaalka Dayniile ayaa isna la geeyay Dad ku dhaawacmay dagaallo shalay waqtiyo kala duwan ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa in ay iyana dadkaasi gargaar caafimaad ka heleen Isbitaalkaas.

Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa had iyo jeer waxyeello ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan dagaalka ku lug lahayn, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tagaan rasaas iyo madaafiic habow ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia