Ciidamadii Itoobiya lagu soo tababaray ee ku sugnaa Degmada Afgooye oo lagu eedeeyay in ay dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda, Dad rayid ahna ay dhaceen

Cabirka Farta

Arbaco, July 23, 2008(HOL): Ciidamadii Itoobiya lagu soo tababaray ee ku sugnaa shalay iyo xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka waxay u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ah halka ugu dambeysa ee ay ku socdeen.

Qaar ka mid ah Ciidamada oo lugeynaya ayaa waxay saaka ka gudbeen Deegaanka Lafoole, iyagoo u jiheystay dhinaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo shalay soo gaaray Degmada Afgooye ayaa lagu eedeeyay in markii ay halkaas gaareen ay dileen Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Afgooye, sidoo kalena ay dhac u geysteen dad rayid ah oo gudaha degmadaas ku sugan.

Cali Aadan Cali (Cali Ganey) oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya lagu soo tababaray ay shalay Suuqa Qaadka labo askari ku duleen, sidoo kalena ay lacag iyo Taleefoonno Mobile ah ka dhaceen dad rayid ah.

“Ciddii Ciidamo ku tilmaameysa iyada ayay jirtaa laakin annaga Ciidamo kuma tilmaami karo, waayo Ciidamo Dowladeed waa in ay asluub leeyihiin oo aysan dadkana ku xad-gudbin”ayuu yiri Cali Ganey oo sheegay in ay Ciidamadaas ahaayeen kuwo sida uu yiri wax loogu soo sheegay Baydhabo iyo meelihii ay ka yimaadeen.

Laakin Daahir Maxamed Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Itoobiya lagu soo tababaray ee eedeynta loo jeedinayo ayaa isagoo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dadka ay dileen aysan ciidamo ahayn balse sida uu hadlka u dhigay ay ahaayeen kuwo dharka Ciidamada soo qaatay oo ka tirsan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.

Daahir Maxamed Cabdi waxaa uu sheegay in maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose uu sheego in uu Dowladda Federaalka ka tirsan haddana sida uu hadalka u dhigay uu la shaqeeyo kooxaha dowladda ka soo horjeeda, “Cali Ganey iyo Rag la mid ah ayaa mar kasta sheega in ay Dowladda Federaalka ka tirsan yihiin, haddana waxay gashan yihiin shaarar kale”ayuu yiri Daahir Maxamed Cabdi oo sheegay in ay Raggaas dowladda ka qaadi doonto tallaabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia