Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Koofur Afrika oo ka soo reyneysa

Cabirka Farta

Arbaco, July 23, 2008(HOL): Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Koofur Afrika ayaa noloshoodu si tartiib ah uga soo reyneeysaa, kadib markii ay dhaceen weerarradii lagu qaaday goobahooda ganacsi iyo waliba deegaannadooda qeybo ka mid ah bilahii la soo dhaafay.

Walow ay jiraan boqolaal qaxooti ah oo wali ku sugan xeryaha qaxootiga ee markii horeba ay dadkaasi ku barakaceen, hase ahaatee waxaa jira intii badneyd dadkii ku jiray xeryahaasi ay iskaga baxeen kadib markii ay waayeen wax caawimaad ah oo ay ka helaan dowladda iyo Hay'adda Qaramida Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Dadkii isaga baxay xeryaha ayaa qaarkood dib ugu laabtay  goobihii  ay markii hore ka soo barakaceen iyagoo noloshoodii dib u bilaabeen walow la sheegayo in xaafadaha qaarkood aanan wali lagu laaban karin xaalado  ammaan darro ah awgeed.

Ma jiraan wax kacdoon ah oo lagu hayo dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee iyaguna soo galootiga ah, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa Wadanka kusoo qulqulaya Soomaali cusub oo u badan dhalinyaro da'doodu u dhaxeeyso 15 jir ilaa 30 jir kuwaasi oo buux dhaafiyay goobaha sharciga laga qaato, halka qaar kalena ay wadada ku soo jiraan iyagoo la kulma xarig, handadaad, dhac, xanuuno ka dhashay nafaqo darro.

Xubin ka tirsan Baarlamaanka Dalka Koofur Afrika oo magaciisa la yiraahdo Ntsiza John Gogotya kana tirsan xisbiga talada wadanka haya ee African National Congress (ANC) ayaa HOL  u sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay dhamaatay Jinsi naceybkii lagu hayay dadka soo galootiga ah ee ka soo jeeda Qaarada Afrika, ayna ka fooljignaan doonaan si aysan mar kale dib u dhicin dhibaatadaasi, isagoo Soomaalida ku amaanay in ay yihiin dad howl kar ah oo adkeeysi badan haddii ay joogaan dalkoodii iyo haddii ay joogaan dal kaleba.

Ugu dambeyntiina, waxaa uu Mudanahan rajo xumo ka muujiyay dagaallada ka taagan dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in ay waqti walba la imaanayaan  waji cusub oo adag, hase ahaatee waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu mar walba ku jiro oo kaliya gacanta Dadka Soomaaliyeed ee talada isku haya, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay ka fekeraan Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaatoonaya Dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Afrika