Isniin, 21, July, 2008 (HOL) Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa kulan saacado badan qaaday waxaa ay ku yeesheen xerada duleedka bari ee Magaalada Beledweyne Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo sida wararku sheegayaan dalbaday kulanka ay la qaateen Odayaasha dhaqanka.
Ilo Xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo isla markaana si weyn ula socday kulanka labada dhinac ayaa HOL u sheegay in kulanku ahaa mid si weyn uga gedisnaa kuwii hore gaar ahaan marka la eego qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray oo ahaa kuwo
xasaasi ah.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa ka hor inta aan la guda gelin kulanka waxaa ay warbixin ka dhageysteen Odayaasha Dhaqanka Gobalka oo ka warbixiyay xaaladda Magaalada iyo waliba cidda ammaankeeda gacanta ku heysa, waxaana ay intaas ku dareen in meesha laga saaray Xoogaggii Maxkamadaha, dadkuna ay sameysteen Ciidamo madani ah oo ilaaliya ammaanka Magaalada.
Laakiin dhinaca Saraakiisha Itoobiyaaka ayay wararku sheegayaan in ay dalbadeen labo qodob oo kala ah " In loo fasaxo Magaalada si ay uga soo dhameystaan adeegyada ay u baahan yihiin, ama dammaanad qaad dhinaca Nabad-galyada ah la siiyo sida ay hadalka u dhigeen dadka u keena adeegga ganacsi.
Waxaa uu warku intaas ku darayaa in Saraakiishu sheegeen in ay si weyn uga xun yihiin sida ay hadalka u dhigeen sidii loola dhaqmay dad rayid ah oo lagu eedeyay in gacan saar la lee yihiin Ciidamada Itoobiya, waana tan keentay ayay wararku sheegayaan in Ciidamadu dalbadaan in ay gudaha u galaan Magaalada.
Qaar ka mid ah Odayaasha oo ay HOL la xiriirtay si loo helo tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan kulanka ayaa sheegay in qodobadii laga wada hadlay wali qabyo yihiin isla markaana xiligan aysan dooneyn in ay ka hor dhacaan.
Kulanka dhexmaray Saraaakiisha Itoobiya iyo Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen labada dhinaca, tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay soo galeen magaalada Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga, waxaana marka la eego kulamada iska soo daba noq-noqonaya muujinayaan sida wali Itoobiyaanku ugu qanacsaneyn in ay dibadda ka joogaan Magaalada, walow dhinaca Odayaashu si weyn ugu dadaalayaan arintaas iyada ah.
Ugu danbeytii la arkii doonee waxa ka soo baxa kulamo ay lee yihiin Odayaasha Dhaqanka oo la filayo in ay jawaab ka bixiyaan dalabka uga yimid dhinaca Itoobiyaaka oo marka dhinac laga eego si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii ay qaadeen Odayaasha taasoo magaalada lagaga saaray Xoogaggii Maxkamadaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxaa looga wada hadlay kulan ay yeesheen Saraaakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan?
Cabirka Farta
More News
- Xildhibaan Mowliid Macaani oo ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu Liiska Argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh Mukhtaar Roobow
- Kooxo hubeysan oo dhaawac culus u geystay Fannaan hore oo ka mid noqday Maamulka Gobolka Banaadir
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara oo saacadaha soo socda ku dhawaaqaya hoggaan cusub oo uu yeelanayo
- Dowladda Federaalka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq-biri-weyne
- Magaalada Jowhar oo xalay Bandow ku jirtay
- Kooxo hubeysan oo xalay weerar ku qaaday guri uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya