Magaalada Jowhar oo xalay Bandow ku jirtay

Cabirka Farta

Isniin, July 21, 2008(HOL): Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay waxay ku jirtay bandow lagu sugayo ammaanka Magaaladaas, kaasi oo ay soo rogeen Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Magaaladaas ku sugan.

Ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Aadan Axmed Xeefow ayaa sheegay in bandowga lagu soo rogay magaalada Jowhar oo bilaabanaya 9-ka fiidnimo isla markaana ku eg 4-ta habeennimo uu yahay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Jowhar oo falal nabadgelyo darro ah ay ka dhaceen.

Shiikh Aadan Xeefow waxaa uu sheegay in gudaha magaalada Jowhar lagu arkay kooxo isu soo ekeysiiyay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo gudaha magaalada dhibaatooyin ka geystay, wuxuuna caddeeyay in markaas kadib ay saraakiisha Maxkamadaha arrintaas ka yeesheen kulan deg deg ah, dabadeedna ay soo saareen go’aanka bandowga lagula soo rogay magaalada Jowhar.

“Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar waxaan ugu baaqeynaa in ay amniga wax ka sugaan, ayna la shaqeeyaan Ciidamada Maxkamdaha Islaamka”ayuu yiri Shiikh Aadan Axmed Xeefow oo xalay dadka reer Jowhar kala hadlay qalabka Warbaahinta.

Magaalada Jowhar ayaa xalay waxaa lagu arkayay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo iyagoo wata Gaadiidka Dagaalka, isla markaana socod roondo ah ku maraya gudaha Magaalada. Lama soo sheegin cid ay u qabteen Ciidamada Maxkamadaha in ay jebisay bandowgii xalay lagu soo rogay Magalaada Jowhar.

Magaalada Jowhar oo uu ka talin jiray maamul ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka taliya Maxkamadaha Islaamka, iyadoo maamulkii halkaasi ka talinayay uu gebi ahaanba  isaga baxeen Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia