Sabti, July 19, 2008(HOL): Ciidamo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa xalay markii ugu horeysay gudaha u soo galay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kadib markii ay banneeyeen xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo dhawaan la wareegay gacan ku heyta Magaalada.
Ciidamada lagu arkay xalay magaalada ayaa cabsi iyo wal wal dhinaca Nabad-galyada ah waxaa ay ku abuureen dadka shacabka ah oo qaarkood maalmo ka hor uun soo guryo noqday markii ay maqleen in magaalada dibadda looga saaray xoogaggii Maxkamadaha, waxaana markiiba la arkayay Ciidamada soo galay magaalada oo wada dhaq-dhaqaaq Miletari oo dadka qaarkii ula muuqday mid dagaal.
Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ay HOL wax ka weydiisay waxa ay kala socdaan Ciidamada soo gaaray Magaalada ayaa sheegay in kaliya ay la socdaan soo galitaanka Ciidamada laakiin wali ma jiro ayuu yiri wax xiriir ah oo na dhamaray, waxaana uu intaas ku daray in mar walba ay ku howlan yihiin baajinta dirir ka dhacda gudaha Magaalada.
Laakiin dadka sida weyn ula socda Siyaasada dhaq-dhaqaaq Al-shabaab waxay leeyihiin ma 'aha wax sahlan in si fudud loogu guuleysto xiriir lagala yeesho Nabad-galyada Magaalada, tusaale ahaan waa ay adag tahay in lagu qanciyo qaadashada fariimo ka yimaada Saraakiisha Itoobiya sida in ay isaga baxaan magaalada oo ahayd qodobkii ay qaateen Saraakiishii Maxkamadaha ee horay gacanta ugu hayay Magaalada.
Inkastoo ay jiraan warar badan oo dadku isla dhaxmarayo ayaa hadana waxaan shaki ku jirin hadii ay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada mileteri ee jira in mar kale shacabku dibada uga bixi doono magaalada maadaama wali xaalku uusan aheyn mid laysku wada haleyn karo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia