Qaramada Midoobay oo sheegtay in Malaayiin Soomaali ah ay u baahan yihiin Kaalmo Bani’aadannimo oo deg deg ah

Cabirka Farta

Sabti, July 19, 2008(HOL): Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ayaa waxay walaac ka muujisay xaaladda nololeed ee dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jira kuwo nabadgelyo la’aan aawgeed guryahoodii uga barakacay iyo kuwo ay saameeyeen abaaro ka dhacay meelo ka mid ah Soomaaliya.

Dad lagu qiyaasay 2.6 Milyan qof oo Soomaali ah oo u dhigma 35% dadka Soomaaliyeed ayay sheegtay WFP in ay u baahan yihiin Gargaar bani’aadannimo oo si deg deg ah loola gaaro.

“Nabadgelyo la’aanta, abaaraha iyo dallagii beeraha oo hoos u dhacay ayaa waxay xaaladda nololeed ku sii adkeeyeen Dadkaas malaayiinta gaaraya, kuwaasi oo haddii aan loo helin gargaar bani’aadannimo ay xaaladdooda khatar geleyso”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda WFP.

Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya Peter Goossens oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada London ayaa wuxuu sheegay in haddii aan dadkaas tabaaleysan ee Soomaaliyeed loo helin cunto ku filan bilaha soo socda uu dalka Soomaaliya geli doono xaalad khatar ah oo la mid ah masiibadii bani’aadannimo ee Soomaaliya ka dhacday sanadihii 1992 iyo 1993.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda WFP ayaa waxay ka codsatay dalalka Caalamka in ay ugu deeqaan Maraakiib dagaal oo ilaaliya Maraakiibta Raashinka Mucaawinada ah u wada Soomaaliya, waxayna codsigaas jeedisay WFP kadib markii ay howshooda u dhamaatay Maraakiib dagaal oo ka socday Dalalka France, Denmark iyo Netherlands, kuwaasi oo muddo 8 bilood ah ilaalinayay raashinka mucaawinada ah ee ay WFP geyso Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia