MAXAMED XASAN XAAD: Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaan ugu baaqeynaa in uu soo farageliyo arrinta Suuqa Bakaaraha, uuna dhiig-joojin sameeyo”

Axad, January 20, 2008(HOL):  Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu soo farageliyo arrinta Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan ay xaaladdiisa ahayd mid cakiran.

“Ra’iisal Wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in uu wax ka qabato oo uu soo farageliyo arrinta Suuqa Bakaaraha, isla markaana uu dhiig-joojin sameeyo”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ganacsatada Suuqaas lagu hayo handadaad iyo in la garaacayo.

Wuxuu u soo jeediyay Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir in ay wax ka bedelaan qaabka ay ula dhaqmaan Suuqa Bakaaraha oo uu sheegay in ay ganacsatadiisii horay hubkooda ugu wareejiyeen Dowladda Federaalka, isla markaana ay haatan diyaar u yihiin in ay canshuur dhiibaan.

Hadalka Maxamed Xasan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Xarunta Taliska Booliska shir ku dhexmaray Guddiga Ammaanka Qaranka, Saraakiil ka socotay Ciidamada Itoobiya iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, iyadoo shirkaasina uu ku saabsanaa Ammaanka Suuqa Bakaaraha.

Ku xigeenka Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa sheegay in shirkaas ay labada dhinac isugu jeedin eedeymo, iyadoo  ganacsatada lagu dhaliilay in ay gabaad siiyaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, halka Ganacsatadana ay soo jeediyeen eedeymo ay ka mid ahaayeen in ay Ciidamada Dowladda dhac iyo dil u geystaan, wuxuuna Shaacshaac caddeeyay in ay Ganacsatada si cad u sheegeen in haddii la kala dooransiinayo cidda u roon ay la roon yihiin Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna taasi sabab uga dhigeen sida Shaacshaac sheegay in aysan Kooxaha hubeysan dhac u geysan marka laga reebo in ay gudaha Suuqa dilal ka geystaan.

Shirkaas oo aysan wax natiijo ah ka soo bixin ayaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa la siiyay muddo 24 saac ah oo ay uga soo talo bixinayaan sida laga yeelayo Ammaanka Suuqa Bakaaraha, iyadoo ayba jiraan warar sheegaya in Suuqa ammaankiisa lagu wareejinayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, walow wararkaasi ay yihiin kuwo aan si rasmi ah u soo shaac bixin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia