Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada oo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde

Axad, January 20, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu horkacayo oo ka tirsan Golahiisa Wasiirrada ayaa goor dhaweyd waxay gaareen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Xubnaha Wafdigiisa ayaa waxay diyaarad khaas ah ka soo raaceen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo weli fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo intii aysan soo gaarin Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay ammaanka Wadada isku xirta KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Wasiirka Garsoorka  ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo xubno kale, waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Saraakiil Ciidan oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi  Xasan Cawaale Qeybdiid, Taliyaha Nabad-sugidda Jen. Maxamed Warsame Darwiish iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amison ee Muqdisho jooga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay gudaha Garoonka, wuxuuna wariyayaasha u sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii ay Xukuumadda Federaalka ugu shaqeyn lahayd, isagoo hoosta ka xariiqay in uu waxyaabaha ugu horeeya ee ay Xukuumaddiisa qabaneyso ay ugu horeeyaan dejinta siyaasadda dalka iyo weliba dib u heshiisiinta.

Mar uu ka hadlayay dhibaatooyinka ay isku qabaan Saxaafadda iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu la socdo in ay Warbaahinta iyo Dadka  ka shaqeeya ay dhibaato ka tabanayaan Dowladda Federaalka, sidoo kalena wuxuu carrabka ku dhuftay in iyadana Warbaahinta dhibaato laga sheeganayo, “Waxaan ugu baaqay Warbaahinta in ay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda,  marka taasi la helana ma dhici doonto in lagu xad-gudbo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Saxafiyiintii uu la hadlayay ugu hambalyeeyay waqtiga adag ee ay ku shaqeynayaan.

Ra’iisal Wasaare  Nuur Cadde iyo Xubnaha Golahiisa Wasiirrada oo ay garoonka Diyaaradaha Aadan ka soo qaadeen Gaadiid Gaashaaman oo ay leeyihiin Ciidamada Amisom, isla markaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Villa Somalia ayaa la sheegayaa in ay magaalada Muqdisho ka howl bilaabi doonaan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Xubnihiisa Wasiirrada ay dib ugu noqon doonaan Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia