Arbaco, February 20, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Mehradaha ganacsi ku lahaa Suuqaas ayaa waxay bilaabeen inay Badeecooyinkooda rartaan, isla markaana ay geystaan meelo ay is-leeyihiin waa ay idin kugu badbaadayaan.
Qaar ka mid ah Ganacsatadaas oo markii ay Badeecooyinkooda ka raranayeen Suuqa Bakaaraha aan wax ka weydiinay waxa ku kalifay in ay ka guuraan Suuqa ayaa waxay sheegeen in Dukaamo ku dhawaa ay maalintii shalay ahayd dhac u geysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Suuqa gudaha u soo galay.
"Haddii aan ka badbaadnay dhacii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha Badeecooyinkeena kuma sii heysan karno halkan (Suuqa Bakaaraha) waayo ammaankiisa waa uu sii xumaaday, wuxuuna noqday goob ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda"ayuu Axmed Nuur Cali Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo iyagu go'aansaday in ay Alaabtooda rartaan tan iyo inta uu ka soo hagaagayo Suuqa Bakaaraha.
Sida kale xaaladda Suuqa Bakaaraha maanta waa ay deganeyd, wax iska hor-imaadyo ahna kama jirin, inkastoo aan weli si rasmi ah loo furin guud ahaan goobaha ganacsiga, sabab la xiriirta in ay weli ganacsatada ka baqeyso in mar kale ay Suuqa ku soo laabtaan Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda, kadibna dushooda lagu dagaalamo.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa haatan wuxuu u muuqdaa mid laga sii kala guurayo, haddii aan hadda xaaladdiisa si kale loo dhiginna wuxuu noqon doonaa meel ay ku soo haraan kaliya ganacsatada waa weyn ee leh Hantida ma guurtada ah ee aan iyagu meelna u guuri karin, markaasi kadibna waxay qaadaneysaa muddo dheer in uu Suuqa ku soo noqdo sidii uu u camirnaa waqtiyadii aan ka soo gudubnay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia