Arbaco, February 20, 2008(HOL): Xaaladda Suuqa Bakaarah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay u muuqataa mid caadi ku soo noqoneysa kadib markii ay shalay gudaha u galeen ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dartood ay ganacsatada uga baaqdeen in ay Suuqa u shaqo tagaan.
Dad badan oo shalay geli waayay Suuqa Bakaaraha ayaa saaka waxaa lagu arkayaa gudaha Suuqa, inkastoo aysan si rasmi ah u furin goobahooda ganacsiga, marka laga reebo dad faro-ku-tiris ah oo ku dhiiraday in ay ganacsigooda bilowdaan.
Dadka saaka Suuqa tegay ee mehradaha ganacsi ku lahaa ayaa waxay isugu jiraan kuwo u tegay goobahoodii ganacsiga oo maran, isla markaana ay dhaceen Ciidamadii shalay Suuqa ku jiray iyo kuwo kale oo u tegay goobahoodii ganacsiga oo bed qaba, isla markaana aan dhac loo geysan.
Ma jiraan wax ciidamo ah oo ku jira gudaha Suuqa Bakaaraha marka laga reebo Ciidamo ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha, kuwaasi oo mararka qaarkood ridaya rasaas u muuqata mid digniin ah oo ay ku sheegayaan in aaney dadka u soo dhawaanin.
Dad badan oo isugu jira ganacsato iyo Dad u soo daawasho tegay Suuqa Bakaaraha ayaa saaka waxay isku wareysanayaan gudaha Suuqaas, iyagoo ka hadlaya waxyaabihii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo weliba sida uu noqonayo mustaqbalka ganacsiga Suuqaas haddii ay sii socdaan iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee mar kasta ku hardamaya gudaha Suuqaas oo ah midka ugu weyn Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaalka Suuqa Bakaaraha weli waa sidii uu ahaa, Ciidamada Dowladda waxay joogaan Isgoysyadii ay ku sugnaayeen, iyadoo dadka qaarkiisna ay sheegayaan in inta ay ciidamada joogaan Isgoysyadaas ay jiri doonaan iska hor-imaadyo kale oo keena dhibaato hor leh oo saameysa Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo noloshooda ay inta badan ku tiirsan tahay Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia