Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Qaraxyo Miino lagu weeraray, qaarkoodna la dhaawacay

Sabti, February 16, 2008(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu weeraray Qaraxyo Miino loo geliyay Waddooyin ay marayeen, xili ay ku sii jeedeen xafiisyadooda.

Guddoomiyaha Degmada Dayniile Xaaji Cumar Cali  iyo seddex ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Qarax Miino Jidka loogu aasay, xili uu ku sii jeeday Degmada Dayniile, isla markaana uu ka tegay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, inkastoo uu dhaawaca isaga  iyo Ilaaladiisa soo gaaray uu yahay mid sahlan, waa sida uu Guddoomiyaha qudhiisa sheegaye.

“Lug ayaa wax iga gaareen, xaaladdeenana waa fiican tahay, Alle dile ayaa dhinta marka ma jirto cid wax dili karta, waxaana idiin sheegayaa in aan qabannay mid ka mid ah raggii Miinada noo dhigay, kuwo kalena waan ku raad-joognaa, waana soo qaban doonnaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dayniile Xaaji Cumar Cali oo isagoo lagu daweynayo Isbitaalka Amisom ee Muqdisho warkaas bixiyay.

Sidoo kale waxaa Qarax Miino oo lagu dili lahaa ka baaday Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan Xuseen Macallin, “Annaga oo ka nimid Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa Miino la doonayay in waxyeello naloogu geysto waxay ku qaraxday agagaarka Degmada Kaaraan, nasiib wanaag-na waxay Miinada qaraxday mar aan ka gudubnay”ayuu yiri Guddoomiya Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo sheegay in ay dad badan u qabteen qaraxaas, kuwaasi oo ay su’aalo weydiinayaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya Miinooyinka Dhulka lagu aaso ee lagu qarxiyo Gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda iyo weliba Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, iyadoo ay mararka qaarkoodna dhacdo in Miinooyinka dhulka lagu aaso ay ku qarxaan Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan sida Gaari Mini Bus ah oo ay dhawaan Miino kula kacday agagaarka Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi, kaasi oo ay saarnaayeen Ganacsato Qaadka ka baayac-mushtarta oo Haween u badnaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia