Sabti, February 16, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Shalay markii ay Qoraxda sii dhaceysay ayaa dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Ceymiska iyo Isbitaalka Carafaat ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalkaas oo ka dhacay meel dadkii deganaa ay ka barakaceen aawgeed ayaan la ogeyn ilaa iyo haatan khasaare ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamay marka laga reebo in la maqlayay rasaas xooggan oo ay madaafiicna ku jireen oo ay isku ridayeen.
Dagaal kale oo isna xooggan ayaa mar uu dhacayay Eedaanka Salaadda Subax waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkaas oo waqti kooban socday ayaa wuxuu sababay in ay saaka Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay rasaas soo raacsiiyaan Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo taasina ay kaliftay inay dadka gidaarrada ku gambadaan si aysan rasaastaas u waxyeeleyn, waxaana gebi ahaanba xiran goobaha ganacsiga ee ku yaala labadaas Waddo oo furnaashahooda uu muhiim u yahay in uu si caadi ah oo nabadgelyo ah u socdo ganacsiga Suuqa Bakaaraha.
Dhanka kalena, Madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa xalay fiidkii waxaa lagu weeraray Dekedda weyn ee Muqdisho, inkastoo aysan madaafiicdaas gudaha u gelin Dekedda, isla markaana ay ku dhaceen iridka iyo agagaaraha Dekedda.
Seddex Ruux ayaa la sheegay in ay Madaafiicdaas ku dhaawacmeen kuwaasi oo ku sugnaa meel aan u dheereyn Dekedda Muqdisho, iyadoo dhaawacoodana la sheegay in uu ahaa mid aan darneyn.
Xiliga Dekedda lagu tuurayay Madaafiicda Hoobiyayaasha ah ayaa waxaa ku xirnaa Markab Saanad Ciidan u sida Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasi oo haddii ay madaafiicda ku dhici lahaayeen khasaare badan geysan lahaa bacdamaa uu sido hub noocyo kala duwan leh oo haddii ay madaafiic ku dul dhacaan khatartiisa leh.
Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic Hoobiyayaal ah lagu weeraro Dekedda Muqdisho, waxaana jirtay dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale Madaafiic lagu weeraray, iyadoo la xusuusan yahay in weerar midkan ka horeeyay ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee ilaalada ka haya Dekedda Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia