MAXAMED DEEQ IBRAAHIM: “Waan ka xunnahay in wax uusan ahayn lagu tilmaamo Safiirka Safaaradda ugu shaqada badan Safaaradaha ay Soomaaliya Dibadda ku leedahay”

Arbaco, February 13, 2008(HOL):  Maxamed Deeq Ibraahim oo ka mid ah howl-wadeennada Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Dalka Kenya ayaa wuxuu beeniyay hadal ay shaaciyeen qaar ka mid ah Website-yada Soomaalida, kaasi oo ku saabsanaa Safaaradda Soomaalida ee Kenya iyo Safiirkeeda Maxamed Cali Ameerika oo lagu tilmaamay in ay musuq iyo waxyaabo kale oo aan wanaagsaneyn ay ka shaqeyso.
 
Maxamed Deeq Ibraahim oo warsaxaafdeed uu soo saaray ku beeniyay warkaas laga faafiyay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo Safiirkeeda ayaa wuxuu sheegay in warka ay qortay Shabakaddaas uu yahay mid aan sal lahayn oo la been abuuray, wuxuuna sheegay Safiirka uu yahay mas’uul ka hufan waxyaabaha laga qoray.

“Safaaradda Soomaaliya ee Kenya howsheeda waa mid cad oo aan qarsoodi lahayn, waxayna ka shaqeysaa sidii ay u wanaajin lahayd Xiriirka labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya, Xiririka ka dhaxeeya Safiirrada Kenya u fadhiya Dalalka Caalamka iyo Dowladda Federaalka iyo U doodidda Dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan”ayuu yiri Maxamed Deeq Ibraahim oo  intaas ku sii daray in aysan wax lala yaabo ahayn in qof kasta oo wanaag sameeya aanu weyneynin dad xumaan ugu bedela oo wax ka sheega.

Maxamed Deeq Ibraahim waxaa uu sheegay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika lagu xusuusto kaalintii uu ku lahaa gargaar bani’aadannimo oo uu gaarsiiyay Dad Soomaali ah oo ku dhibaateysan Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi intii aan gargaarkaas la gaarsiinin ku sugnaa xaalad nololeed oo aad u adag.

Sidoo kalena waxaa uu sheegay howl-wadeenkan ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Kenya  in Safiirka uu sidoo kale dadaal u galay sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen Dad badan oo Soomaaliyeed oo si aan sax ahayn ay diyaarad ka qaaday Nairobi  u geysay Dalka Uganda kadibna dib loogu soo celiyay garoonka Jomo Kenyata, kuwaasi oo muddo todobaad ah oo ay Garoonkaas joogeen tas-hiilaadka ay u baahan yihiin ka helayay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, gaar ahaan Safiirkeeda Maxamed Cali Ameeriko.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah in mas’uul howshaas baaxadda leh dadkiisa u haya lagu tilmaamo wax uusan ahayn, isla markaana laga faafiyo warar aan jirin, hayeeshee wixii uu qabtay waxaa xusi doona dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii la socotay waxqabadkiisa”ayuu mar kale yiri Maxamed Deeq Ibraahim oo sheegay in dadka wararkaas ka faafiyay safiirka ay yihiin kuwo aan ogeyn in uu uga soo tegay dal uu ku heystay shaqo iyo nolol wanaagsan  in uu dadkiisa wax taro.

“Waxqabadka lagu xusuusto waxaa kaloo ka mid ah, magacaabistiisii kadib in uu ka miro dhaliyey in hay´adaha samafalka ee dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo aysan soo dhaafi jirin magaalada Nairobi, isagoo dadaal dheer kadibna ku cadaadiyey in ay ka howlgalaan gudaha dalka, xittaa haddii aaney isku aamini karin Muqdisho inta dowladdu ammaanka si buuxda uga sugeyso in ay tagaan gobolada ammaanka ah, waxaana markaa kadib gudaha Soomaaliya ka shaqo billaabay hay´ado dhowr ah. sidoo kale Soomaalida Kenya aad bay ugu nafiseen oo Soomaali xabsiyada la isaga hayo, ama booliska Kenya ay sideey doonaan ka yeelaan waxaana ugu dambeysay dadka Soomaaliyeed tacaddiyadaas loo geystay maalintii Safiirka Soomaaliya ee Kenya loo magacaabay Maxamed Cali Ameerika”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Deeq Ibraahim.

Ugu dambeyntiiba Maxamed Deeq waxaa uu sheegay in haatan oo ay Dalka Kenya ka jiraan qalalaase ay ku dhinteen dad badan oo u dhashay Kenya in ay Dadka Soomaaliyeed ka badbaadeen dhibaatadaas, isagoo xusay in Safaaradda Soomaalidana ay si gaar ah isha ugu heyso Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia