Arbaco, February 13, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Ganacsatadda gobalka Hiiraan ayaa tilmaamay in aysan waxba kala socon eedeyntii dhawaan uu u soo jeediyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo sheegay in ay jiraan Ganacsato ku lug leh falalka amaan daro ee ka taagan qeybo badan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Ganacsataddu waxaa ay sheegeen in hadalka Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan uu ahaa mid aan laga fiirsan, iyagga oo intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in lagu eedeeyo hurinta colaadaha ka taagan Gobalka Hiiraan oo ah ayeey sheegeen mid xitaa marka dhan laga eego halsi ku ah howlahooda ganacsi
Mid ka mid ah Ganacsatadda oo u waramay HOL ayaa sheegay in markii uu maqlay warka ku saabsan in ay ku lug lee yihiin ganacsataddu dagaaladda looga soo horjeedo maamulka gobalka Hiiraan ay baqdin weyni ku dhalatay, "" Ma jiro qof ku dhiiran kara in xiliga habeenkiina uu dagaal ka qeyb qaato maalintiina uu si caadi ah isaga ganacsataddo ayuu intaa sii daba dhigay, isaga oo dhanka kale ka codsaday Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan in uu raali galin ka bixiyo eedeynta uu u soo jeediyay Ganacsatadda,
Lakiin waxaa ay dhanka kale sheegeen in jiri karaa shaqsiyaad aan xitaa howlo ganacsi ku xirneyn oo si dadban uga qeyb qaata siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya kuwaa oo aan loo saarin karin arimahoodda qeybaha kale ee ganacsatadda ah oo u baahan Nabad-galyo si markaa ay u sii socdaan howlahooda ganacsi.
''' waxaan dhiibnaa cashuurta naggu waajibta ee Maamulku nagga doonayo, sidoo kale waxaa ka qeyb-qaadanaa howlaha dib loogu soo cilinayo bilicdda magaaladda sida Nadaafadda iyo bur burita goobaha aan sharcigga ku dhisneyn , sidaa daraadeed hadii aan ka soo horjeedo Maamulka hadda ka jira Gobalka kameynaan qeyb qaateen intaa oo arimood ayuu yiri Mid ka mid Ganacsatadii la hadashay HOL.
Jawaabta ay bixiyeen Ganagasatadda Gobalka Hiiraan ayaa ah mid muujineysa sida ay ugga xumaadeen warkii dhawaan ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo sheegay in ay jiraan Ganacsatado maalintiina Magaaladda ka shaqeysata xiliga habeenkiina ka qeyb qaatadda falalka looga soo horjeeddo Nabad-galyadda, isaga oo intaa ku daray in maamulku talaabo ka qaadi doono.
Ganacsatadda Soomalidda ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwo la kala safan kooxaha isku haya Siyaasadda dalka Soomaaliya, gaar ahaa waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo gacan saar hoose la leh kooxaha ka soo horjeedda Dowladda Federaalka oo ah sida lagu eedeeyo isha kaliya ee dhaqaaluhu ka soo galo kooxaha diidan nidaamka Dowladda inkastoo haddana Ganacsataddu arintaa iska fogeyso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Qaar ka mid ganacsatada Gobolka Hiiraan oo sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn uu u jeediyay Maamulka Gobolka
More News
- Warar koo-kooban oo ku saabsan Magaalada Muqdisho
- Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay xoog ku soo furatay Nin Jarmal ah oo shalay lagu af-duubtay Gobolka Sanaag
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uu qabo in aan shuruud lagu xirin wada hadallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya
- Jaamacadda Carabta oo sheegtay in aysan casuumaad u fidin Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Qaahira ku sugan
- Kooxo hubeysan oo xalay Nin rayid ah ku dilay Baydhabo
- Afhayeen u hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Madaxweynaha uusan Dib u heshiisiin diidaneyn
- MAXAMED DEEQ IBRAAHIM: “Waan ka xunnahay in wax uusan ahayn lagu tilmaamo Safiirka Safaaradda ugu shaqada badan Safaaradaha ay Soomaaliya Dibadda ku leedahay”
- Halkay maraysaa Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka soo socda ee Somaliland?