Maamul Islaami ah oo loo sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Cabirka Farta

Sabti, December 06, 2008(HOL): Mas’uuliyiinta Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maanta waxay maamul Islaami ah u sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ay gacan ku heyntiisa la wareegeen.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ka hadlayay Shir ka dhacay Magaalada Marka ayaa ku dhawaaqay xubnaha Maamulka cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Magacyada Xubnaha maamulka loo sameeyay Gobolka Sh/Hoose

Shiikh C/raxmaan Axmed Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose
Shiikh Xasan C/raxmaan  Maxamed Xoghayaha Ammaanka
Shiih C/llaahi Axmed Maxamed Xoghayaha Garsoorka
Shiikh Suldaan Maxamed Aadan Xoghayaha Dacwada iyo Tacliinta
Shiikh Ibraahim Al-Mugni  Xoghayaha Maaliyadda iyo Horumarinta

Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo wax laga weydiiyay waxa uu qabanayo maamulkan  waxaa uu sheegay in maamulka uu ka shaqeyn doono heshiisiinta Beelaha ay Colaadaha u dhaxeeya iyo isu celinta hantida la kala heysto, iyadoo dhammaan arrimahaasna loo cuskan doono Shareecada Islaamka.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa dhawaan gacan ku heyntiisa la wareegay Xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, waxaana horay uga talin jiray maamul ay soo magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay xubnihiisa qaarna shaqada ka tageen, kuwo kalena la dilay.

Waa Gobolkii seddexaad oo ay maamul u sameeyaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowladda Federaala Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, waxayna horay maamullo ugu sameeyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Jubbada Hoose, inkastoo ay jiraan gobollo ay gacanta ku hayaan balse aysan weli maamullo u sameynin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia