Dagaal ka dhacay Deegaan ka tirsan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose

Cabirka Farta

Sabti, December 06, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu maanta dagaal ka dhacay Deegaanka Cali Bulooy, kaasi oo u dhaxeeya Maleeshiyooyin deegaanka ah iyo Xoogag Islaamiyiin ah.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu u dhaxeeyo Xoogag u daacad ah Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo iyo Maleeshiyooyin deegaanka ah, kuwaasi oo uu dagaalkooda qarxay kadib markii xoogag ka amar qaata maamulka Kismaayo ay weerareen maleeshiyooyinkaas.

Dagaalka oo lagu soo waramayo in uu ahaa mid xooggan ayaa waxaan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalka ka dhashay, tiiyoo ay xusid mudan tahay in ay jiraan dad dhaawacyo ah oo la gaarsiiyay Degamada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa ka hadlay Dagaalkan Suldaan Cabdi Cali Sokor oo  sheegay in Dhalinyaro xoolo-dhaqato ah oo ku sugnaa deegaanno ka tirsan Degmada Dhoobley ay weerar ku soo qaadeen Xoogag u daacad ah Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaalada Kismaayo, kadibna ay dhimasho iyo dhaawac u geysteen.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo, kaasi oo ku saabsan cidda uu u dhaxeeyo dagaalka ka socda nawaaxiga Dhoobley iyo weliba in uu maamulkaas dagaalka qaaday.

Ugu dambeyntiina, Xaaladda Dergaannada Dhoobley, Qooqaani iyo Af-madow ayaa dagaalkan aawgiis aad u kacsan, waxaana bannaanbax dagaalkaas looga soo horjeedo uu ka dhacay Degmada Af-madow, halkaasi oo ay dadka isugu soo baxay dalbanayeen in dagaalkaas la joojiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia