Jimco, December 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin Gole Wasiirro ah oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in aysan jiri karin Gole Wasiirro ah oo aan heysan ogolaashihiisa, wuxuuna sheegay in haddii taasi la sameeyo ay noqoneyso mid sharci darro ah, “Qofkii wax sharci darro ah sameeyana cawaaqibka ka dhasha isaga ayaa mas’uul ka noqonaya”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.
“Annaga sharci iyo Dastuur beynu leenahay, wax kastana waa in ay isaga ku saleysnaadaan, mana ahan in qof walba uu iska sameeyo wixii uu doono”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu la socdo in Wasiirro la magacaabay, welina uusan ka hadlin.
“Baarlamaan ayaynu leenahay wixii la isku qabtana isaga ayaa loola noqonayaa, marka arrintaas waxay u taallaa Baarlamaanka”ayuu mar kale yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo horay u sheegay in aysan Soomaaliya ka jirin wax Xukuumad ah.
Hadalka uu sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo aaday iyadoo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu khilaaf u dhaxeeyo uu dhawaan soo magacaabay xubno gole Wasiirro ah, kuwaasi oo sida Ra’iisal Wasaaruhu sheegay uu Madaxweynaha diiday in uu ogolaado.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa tallaabada uu qaado Baarlamaanka Soomaaliya oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba isku raacsan yihiin in uu yahay halka loola noqonayo waxyaabaha sharci ahaan la isku qabto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia