Nabadoonnada Puntland oo taageeray hadalkii ka soo yeeray Madaxwayne Cadde ee ku saabsanaa Arrimaha Dib u heshiinta Dhinacyada Soomaalida

Cabirka Farta

Jimco, December 05, 2008(HOL): Nabadoonnada  DGPL oo shir ku yeeshay shalay gelinkii dambe Magaalada Boosaaso  ayaa taageeray hadalkii ka soo  yeeray madaxwaynaha DGPL Jen. Cadde Muuse, kaasi oo ku aadanaa heshiiskii ay dhinacyada Soomaalidu ku gaareen dalka Jabuuti.

Waxaa kalankoodan uu yimid kadib markii Madaxwaynaha DGPL Jen. Cadde uu sheegay in heshiikii dhinacyada Soomalidu ku gaareen Dalka Jabuuti uu ahaa  mid lagu mija-xaabinayo danaha guud ee ummada Soomaaliyeed waa sida uu hadlaka u dhigaye.

Nabaddoon C/Casiis Afguduud oo ka mid ah nabaddoonadii kulankaasi ka qeyb galay ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado khilaafka u dhaxeeya madaxda Sare ee DFKM ah, isagoo intaasi ku daray in nabaddoonadu ay ka soo horjeedaan heshiiska dhinacyada Soomaalida ay ku gaareen dalka Jabuuti.

"Baarlamaankii hore ayaa noqday mid fadhiid ah Maxaad umalaynaysaa lagu kordhiyay kuwa kale oo danbiilayaal ah "Sidaas waxaa saxaafadda u sheegay  C/casiis Af-guduud

Waxaa kaloo nabaddoonadu ay ka digeen in danaha Soomaaliya wax laga weydiiyo cid aan aqoon u lahayn, iyadoo kulankooda uu ku soo beegmayo iyadoo dhawaan la soo dhisay barlamaan ka kooban 550 xubnood.

Ugu dambeyntii Maamulka Puntland oo aan horay looga baran hadallo looga soo horjeedo  arimaha DFKMG ah ayaa hadana arimahaan oo dhan waxaa ay daba socdaan khilaafkii Madaxwaynaha DFKG ah iyo Ra’iisal  wasaare Nuur Cadde.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia