Hay’adda Life Line Africa oo Gaadiidka Gargaarka Deg dega ah ugu deeqday Dadka ku dhaqan Magaalda Muqdisho

Cabirka Farta


Arbaco, December 03, 2008(HOL): Hay’adda Life Line Africa ayaa dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxay ugu deeqday gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambulance-ta, kuwaasi oo ay dadka ku dhaqan Muqdisho ku heli karaan si shuruud la’aan ah.

Munaasabad gaadiidkaas lagu soo bandhigayay ayaa shalay waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday qeybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jiray Wargarad, Aqoonyahanno, Abwaanno, iyo Dhaqaatiir ka howlgala Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Madaxa Hay’adda Life Line Africa Rufaaci Maxamed Salaad
Madaxa Hay’adda Life Line Africa Rufaaci Maxamed Salaad ayaa sheegay in Ambulance-yadan ay keeneen kadib markii ay arkeen dhibaatada ay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ku qabaan in ay Isbitaallada gaaraan, gaar ahaan marka ay dhaawacyada culus soo gaaraan ama ay gargaar deg deg ah u baahdaan.

“Waxaa dhacday in dhowr jeer dad dhaawacmay gaari gacanno lagu qaaday kadibna ay dhex ku dhinteen intii isbitaalka loo waday sabab la xiriita in ay dhiig baxeen”ayuu yiri Rufaaci Maxamed Salaad oo sheegay in aaney shuruud lagu xirayo qofkii Ambulance u baahda.

Sidoo kale waxaa munsaabadda ka hadlay Maxamed Xuseen Fiidow oo isna shirkadda Isgaarsiinta NationLink ka socday, wuxuuna sheegay in shirkaddooda ay adeegga gargaarka deg degta ah ka qeybqaadaneyso, isla markaana ay sameysay Taleefoon gaar ah oo ay dadka soo wici karaan marka ay xaalad deg deg ah la soo deristo oo ay u baahdaan Ambulance, wuxuuna sheegay in ay dadka soo wici karaan Nambarka 777.
 
Gaadiidkan Ambulance-t ah ee ay ku deeqday Hay’adda Life Line Africa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Howl-Wadeennada Caafimaadka ee ka howlgalla Isbitaallada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kalena, Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay gaadiidka gargaarka deg degta ah oo ay ugu dambeysay mar hore, waxayna sheegeen in uu gaadiidkan wax weyn ka bedeli doono baahidii ay u qabeen in ay heleen gurmad caafimaad oo deg deg ah, gaar ahaan marka ay dhibaatooyin la soo dersaan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo hadda ay ka dhacaan dagaallo geysta dhismasho iyo dhaawac ayaa dadka dhaawacyada soo gaaraan waxay waayaan gaadiidka gargaarka deg degta ah, waxayna dadka isticmaalaan gaari gacanno ama dushooda waa kuwa aan heli karin gaadiid ay Isbitaallada ku tagaan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia