Xus Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Abawaan Cabdi Muxumed oo dhawaan geeriyooday

Cabirka Farta


Arbaco, December 03, 2008(HOL): Naadiga Hal-abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed qeybtiisa Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya iyo Ururrada INXA, COGWO, IIDA SWA iyo SOFEX ayaa maanta wuxuu ku qabtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho Xus lagu weyneynayay Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Munaasabadda Xuska ayaa waxaa ka qeybgalay Dad aad u fara badan oo ka socday Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo qaarkood munaasabadda ka sheegeen taariikhdii Abwaanka iyo waxyaabihii ay ku yaqaanneen.

Abwaan Saciid Maxamed Xarawo
Abwaan Saciid Maxamed Xarawo oo ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed ee aan dalka ka bixin inta uu burburka ku jiro, isla markaana ay abwaan Cabdi Muxumed Amiin saaxibo ahaayeen ayaa wuxuu sheegay in Alle ha u naxariistee uu Cabdi Muxumed Amiin ahaa Wadani Naxariis badan oo taariikhda Soomaaliyeed baal dahab ah uga jira.

“Cabdi Muxumed taariikhdiisa laguma soo koobi karo hal kulan, wuxuu ahaa jilaa, heesaa, abwaan curiya, kuna luuqeeya heesaha qiirada leh, waxaana heesahaas ka xusuustaa heesta {Berigii la yaabo yaasiinka}”ayuu yiri Abwaan Saciid Xarawo oo soo jeediyay in ay iyana mudan yihiin in loo qabto xusas lagu xusuusanayo fannaaniin badan oo horay u geeriyooday.

“Booskii uu banneeyay Cabdi Muxumed Amiin wax bedeli kara ma heyno, waxaanse leenahay Alle ayaan ka sugeynaa”ayuu mar kale yiri Abwaan Saciid Xarawo oo ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii Abwaan Cabdi Muxumed.

Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan
Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan ayaa isna xuska ka hadlay, wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay Naadiga Hal-Abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed, iyo ururrada Bulshada Soomaliyeed, kuwaasi oo uu sheegay in ay soo xusuusteen Abwaan Cabdi Muxumed, “waxaan is-lahaa Fannaaniinta waa la hilmaami doonaa, laakin hadda waxaa ii cad in aan la hilmaamin oo ay jiraan dad xusuusanaya”ayuu yiri Axmedey Cabdi Gaashaan.

Abwaanka Gaashaan oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in uu ka codsanayo Ururrada Bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeybgelayaan xusaska loo sameynayo Fannaaniinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Abwaan Cabdi Muxumed Amiin uu ahaa Fannaan Soomaaliyeed oo qaali ah oo la dareemi doono booskii uu banneeyay.

Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan wuxuu sheegay in tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore uu Abwaan Cabdi Muxumed Amiin ku sugnaa Dalka Soomaaliya, isla markaana uu dadka Soomaaliyeed la qeybsanayay dhibaatooyinkii ay soo mareen ee xanuunka badan lahaa.

Abwaan Barre Shiikh C/llaahi (Bangaladhesh)
Abwaan Barre Shiikh C/llaahi (Bangaladhesh) ayaa isna wuxuu madashii xuska ka aqriyay Gabay uu ugu magac-daray Dal-tabyo, kaasi oo isugu jiray duco uu Abwaan Cabdi Muxumed Amiin ugu duceynayay iyo dhaliil ku saabsan sida looga seexday in Abwaanka meydkiisa la keeno Soomaaliya laguna aaso, halka horay loo keenay Soomaaliya laguna aasay dad sidiisa oo kale taariikh ku leh Soomaaliya.

Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa isna wuxuu ku tilmaamay Abwaanka nin uu Fankiisa koobayay dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uu sameeyay heeso ku saabsan Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed ee Gobollada Dalka.

Wiish waxaa uu intaas ku daray in Abwaan Cabdi Muxumed Amiin uu qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed uu saaxib la ahaa, wuxuuna farta ku fiiqay in ay taasi daliil u tahay sida uu fankiisa u soo koobayay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Sahra Maxamed Axmed
Sidoo kale Agaasimaha Dalladda Haweenka COGWO Sahra Maxamed Axmed ayaa iyaduna munaasabadda xuska ka hadashay, waxayna sheegtay in Abwaan Cabdi Muxumed Amiin uu ahaa Fannaan ka qeybqaadan jiray nabadeynta dalka, waxayna hoosta ka xariiqday in ay isla qabteen dhowr barnaamij oo Nabadda dalka ku saabsan.

“Waa in aan raacnaa raadkiisii bacdamaa uu lahaa waxyaabo wanaag ah oo looga dayan karo, sidoo kalena, waxaan ku talin lahaa in la sameeyo meel ay ku kulansan yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed”ayay tiri Sahra Maxamed Axmed.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa isna sheegay in ay Abwaan Cabdi Muxumed Amiin muddo dheer iskala shaqeynayeen Wasaaraddii Warfaafinta Soomaaliya, isla markaana uu ahaa nin aan balwad lahayn oo si weyn isugu howla baraarujinta dadka Soomaaliyeed.

Cabdi Xaaji Goob-doon
Wuxuu sheegay Cabdi Xaaji Goob-doon in Cabdi Muxumed Amiin uu ahaa nin eray-bixinta ku fiican, isal markaana marka ay  Luuqadaha Shisheeye turjumayaan ay isaga ula imaan jireen eray-bixinta Soomaaliga. Wuxuu kaloo sheegay in ay tahay in dib loo raaco raadkiisii.

Ugu dambeyntiina, waxaa munaasabadda xuska laga aqriyay dhambaal uu soo diray Guddoomiyaha Naadiga Hal-Abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed (PEN) Maxamed Daahir Afrax, wuxuuna sheegay Maxamed Daahir in bishii dhaweyd maanta oo kale ay u ahayd maalin uu khabar ku dumay, maalin dayax madoobaad ku dhacay bahda hal-abuurka fanka iyo Suugaanta, Bahda Wadaniyadda, Bahda Samataliska iyo dhammaan inta wanaaga jecel.

“Anigu Guddoomiyaha PEN ahaan waxaanan marnaba ilaawi karin garab-galkii iyo talooyinkii qiimaha lahaa ee uu iigala shaqeyn jiray howlaha PEN ee ku wajahan daryeelka iyo horumarinta Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa, siiba Hal-Abuurka qoran, Murti Soomaaliyeed ayaa tiraahda “Geeriyi Aqoon bey kugu dishaa” macnaha qofka aad taqaan geeridu wey kaaga xanuun badan tahay qofka kale. Aniga shaqsi ahaan geerida Cabdi Muxumed Amiin waxay ii xanuujisay si aan la qiyaasi karin sababtuna waa aqoontii aan u lahaa iyo sidii aan isugu dhaweyn”ayuu Maxamed Daahir Afrax ku yiri Dhambaalkiisa.

“Magaca Bah-weynta Caalamiga ah ee International Pen iyo Naadiga Pen ee Qalin-leyda iyo Hal-Abuurka Afka Soomaaliga ku hadla waxaan mar kale tacsi ugu dirayaa Ehelladii uu ka geeriyooday Abwaan Cabdi Muxumed Amiin iyo dhammaan Umadda aqoon-jecesha ah ee uu ka tegay, waxaana leeyahay samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo, Naxariistii Janno Alle ha kaga abaalmariyo wixii uu u taray Dalkiisa iyo Dadkiisa.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia