Khamiis, December 25, 2008(HOL): Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo si kooban ula hadlay saxaafadda Muqdisho.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno uu ka mid yahay ku xigeenkiisa Axmed C/salaan, waxaana garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaano iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Isagoo Warfidiyeenno kula hadlayay Xafiiskiisa Muqdisho ayuu sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay taageerayaan Dib u heshiisiinta u socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
"Mahad ballaaran ayaan u celinayaa cid walba oo taageertay xukuumadda Soomaaliya si ay u sii shaqeyso, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayaan taageerayaa kuwaasoo isgarab taagay xukuuumadda, la’aantoodna waxba maba qabsoomeen" ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Soo laabashada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa iyadoo khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu meel xasaasi ah marayo, isla markaana aan ilaa iyo haatan wax xal ah loo helin.
Shalay ayay ahayd markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo heshiis colaad-joojin iyo awood qeybsi ah la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay u ahayd markii labaad oo uu muddo labo sano ah kadib yimaado caasimadda Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia