Maamuka Puntland oo ka digay Codbixin uu Maamulka Somaliland ka sameeyo qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag

Cabirka Farta

Khamiis, December 25, 2008(HOL): Maamulka Puntland  ayaa  ka digay in codbixin uu maamulka Somaliland ka sameeyo gobolka Sanaag , iyadoo ay jiraan warar  sheegaya in mar horeba uu maamulka Somaliland ka ka hirgaliyay codbixintaasi meelo ka mid ah gobolka  Sanaag qeybta hoos timaada Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl ayaa ku tilmaamay Codbixin laga sameeyo gobolka Sanaag in ay tahay mid qaldan oo ay ku fekereen sida uu u yiri dad dano gaar ah leh, isagoo ka digay cadaawad hor leh oo  dhex marta maamullada Puntland iyo Somaliland.

"Waxey ila tahay in arintani ay tahay daandaansi qaawan, looma baahana dab cusub oo laga dhax huriyo labo shacab oo walaalo ah, sidaasi waxaa  sheegay  Maxamuud Siciid Nuur Dabayl guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Arintan ayaa timid kadib markii maalmo kadib ay soo baxeen warar sheegaya in gobolka Sanaag dadka ku sugan ay dhiiban doonaan codbixinta doorashada Somaliland, iyadoo dhawaanahan ay dadka Somaliland cod-bixintaas ka dhiibanayeen gobollo dhowr ah oo hoos-yimaada Maamulka Somaliland.

Shalay ayay ahayd markii uu ka dhacay degmada Badhan mudaharaad looga soo horjeedo codbixintaasi,waxaana khilaafka ka dhaxeeya labad maamul uu salka ku hayaa dhinaca gobollo ay labada maamul kala sheeganayaan.

Lama garanayo tallaabada uu maamulka  Puntland qaadi doono  mar haddii ay hirgasho codbixinta maamulka Somaliland uu ka wado meelo ka mid ah gobolka Sanaag, iyadoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo ay labada maamul isu jeediyaan hanjabaado dhanka afka ah.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Somalia