Sabti, December 20, 2008(HOL): Wararka ka imaanaya galbeedka Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya inay biyo la'aan xoogan ka jirto deegaano iyo tuulooyin dhanka galbeed kaga yaalla gobolka oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah.
Biyo la'aantan ayaa keentay in waraabayaal ooman ay dadka iyo xoolaha si isku mid ah u dilaan, iyagoo dilay dad iyo duunyo fara badan, kuwaasoo iyaguba la daalaa dhacaya baahi iyo harraad.
Dadka deegaannadaas ayaa sheegay in biyaha loo doonto laba Ceel oo deegaannada qaarkood si weyn uga fog, ayna dhibaatooyin ku qabaan helida biyaha, maadaama boqolaal qof ay ceelashaas u soo aroorayaan.
Oday ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in deegaanadooda ay yihiin kuwo abaaro ah oo aanay jirin wax daaq ah oo ay heli karaan kooxaha, sidoo kalena ay gureen warihii biyaha roob la'aan deegaanadaas ka jirta awgeed.
Carruurta iyo Waayeelka ku dhaqan deeganadaas ayaa la xusay inuu fara ba'an ku hayo cudurka shubanka, kaasoo tiro fara badan ka dilay, halka kuwo kalena ay la il daran yihiin.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe Macallin C/llaahi Sheekh Xuseen oo dhawaan booqday deeganadaas ayaa isaguna ka sheegay Jowhar in hay'adaha gargaarka looga baahan yahay inay gacan siiyaan dadkaas ay isku biirsadeen cudurada, abaaraha iyo biyo la'aanta.
Mas'uuliyiin ka socda hay'adaha UNDP iyo UNICEF ayaa laba maalmood ka hor boqoday Jowhar, si ay wax badan uga ogaadaan xaaladaha nololeed ee dadka gobolkaas iyo weliba ammaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somali