Maamulka Puntland oo ka digay xaalufin lagu sameeyo khayraadka xeebaha Puntland ku jira

Cabirka Farta

Sabti, December 20, 2008(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horaysay ka hadlay maraakiib la sheegay in ay xaalufiyaan xeebaha Puntland,.kuwaasi oo qaarkood si khaldan u isticaala khayraadka ku jira xeebaha Puntland iyo Somali oo dhan.
 
arinta ayaa waxa ay timid kadib markii cabasho aad u xoogan ay ka soo yeertay kuluumaystada ka kuulaystamada xeebaha Puntland, kuwaasi oo dhawr jeer ku hungoobay in ay helaan kalluun ay ku qancaan.
 
Wasiir ku xigenka Kalluumaysiga iyo Dekedaha DGPL C/Wali C/rixmaan Gayre oo saxaafadda la hadlay ayaa arimahaasi ku tilmaamay sharci darro,isagoo ka digay dhibaato loo gaysto khayraadka ku jira xeebaha Puntland.
 
Wasiirka ayaa sheeegay in la bilaabo doono qorshayaal ku aadan sidii loo hakin lahaa xaalufin hor leh oo ka dhaca xeebaha Puntland, iyadoo ay jiraan Burcad si aad ah u soo xoogaysanaysa.
 
Burcad Badeedka ka dilaacay Kooxaha Soomaaliya ayaa mar sii horeysay waxay hakiyeen maraakiibtii xaalufin jirtay kheyraadka ku jira Badda Soomaaliyeed, inkastoo ay dhawaanahan u jeesteen in ay af-duubtaan maraakiib iyo doomo ay dhaqaale ka rabaan.
 
Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga Dekedaha iyo gaadiidka Badda DGPL C/wali C/rixmaan Gayre ayaa sheegay in Puntland loo samayn doono Ciidamo qaabilsan ilaalinta Xeebaha ,kuwaasi oo ka hortaga dhibtaada xaalufinta,waxaana uu ku taliyay in dhaliyarada afduubka wadda ay ka tanaasulaan arimahaasi si ay xeebaha uga difaacaan dhibaatooyinka ka jira.
 
Maamulka oo dhawr jeer hore ku guuleystay hawl galo ka dhan ah Burcadd Badeedda ayaa iminka u hanqal taagaya wax ka qabashada arimaha xaalufinta oo baryihi u danbaysay si wayn looga hadal hayay meelo ka mid ah xeebaha Puntland.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia