![]() |
| C/qani C/llaahi Jeenyo |
C/qani oo maalmahan booqashooyin ku kala bixinaya Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu nagu soo booqday Xafiiska HOL ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna nooga waramay waxyaabaha uu ku saabsan yahay socdaalkiisa Muqdisho.
Ugu horeyn waxaan weydiinay C/qani ujeedada ka dambeysa socdaalka uu Muqdisho ku yimid, wuxuuna sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro jawaab uu ka bixinayo casuumaad uu u fidiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Naadiga Kubadda Cagta Elman.
“Magaalada Muqdisho waxaan ka maqnaa muddo dheer, waxaana iigu dambeysay xiligii Dowladdii hore, xiligaas oo aan ka tirsanaa Kooxdii Kubadda Kolayga Jeenyo, sidoo kalena aan macallin u ahaa Gabdhaha Junyarka Jeenyo, hadda magaalada Muqdisho markii aan imid waxaan dareemay isbedel weyn oo dhinaca bilicdii magaalada ah, waayo magaalada aad bey u burbursan tahay”ayuu yiri C/qani Jeenyo.
HALKAN KA DHEGEYSO
WAREYSIGA-By: Salaad Xiis

Qaar ka mid ah Madaxda Isboortiga Soomaaliya iyo C/qani Jeenyo oo ku sugan Garoonka Kubadda Kolayga (Ex-Luujino)
C/qani oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in inkastoo magaalada Muqdisho uu burbur weyn ka muuqdo, isla markaana ay amni darro weyn ka jirto hadana uu jiro dhaqdhaqaaq Isboorti oo la dhihi karo wuxuuna muujinayaa sida ay weli u nool yihiin bahda Isboortiga Soomaaliyeed.
Waxaan weydiinay C/qani intii uu Muqdisho ku sugnaa bal uu arkay wax uu la yaabay, wuxuuna sheegay in uu aad ula yaabay qaab ciyaareedka Kooxaha Kubadda Kolayga Horseed iyo Heegan, kuwaasi oo soo xusuusiyay xiligii ay dowladda ka jirtay ee ay dhisnaayeen Kooxihii Kubadda Kolayga, wuxuuna caddeeyay in uu aad ula dhacay sida ay dadkii daawashada ciyaartaas ka soo qeybgalay ay u soo camireen Garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo Ex-Luujino.

Kooxda Kubadda Miiska Naadiga Elman iyo C/qani Jeenyo
Intaas kadib C/qani C/llaahi Jeenyo waxaa uu sheegay in uu kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Naadiga Kubada Cagta Elman, kuwaasi oo ay wada gaareen heshiis ku saabsan sidii loo horumarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Kubadda Kolayga.
“Naadiga Elman oo qeyb ah socdaalka aan ku joogo Magaalada Muqdisho ayaa waxaan is-dhaafsannay heshiis ku saabsan sidii Isboortiga Soomaaliyeed loo horumarin lahaa, gaar ahaanna loo soo saari lahaa dhalinyaro Isboortiga Soomaaliyeed metesha”ayuu yiri C/qani Jeenyo oo intaas ku daray in ay qorsheynayaan in ay Naadiga Elman is-dhaafsadaan Ciyaartoyda dalka ku sugan iyo kuwo dibadda laga keenayo.

C/qani Jeenyo oo la sawiran Dhallaanka uu soo barbaarinayo Naadiga Elman
C/qani Jeenyo oo aan weydiinay waxa uu qabto Urur uu Guddoomiye ka yahay oo la yiraahdo Ururka Isboortiga iyo Dhaqanka ee Jiilka cusub ee Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in Ururkaas oo la aas aasay sanad ka hor uu aas aasay Koox Kubadda Kolayga oo ka qeybgashay Ciyaaro Sweden iyo Jabouti ka dhacay, haatanna wixii ka dambeeyana uu qorsheynayo in uu aas-aaso Ururkaas Kooxo Ciyaaraha fudud iyo Kubadda Cagta ah.
“Ururkan waxaa uu xarumo ku leeyahay Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Asia oo aan haatan xarun ka soo sameysannay Aniga iyo guddoomiye ku xigeenka Ururka”ayuu yiri C/qani Jeenyo oo sheegay in horumarinta Isboorti ee ay wadaan ay la kaashanayaan Dad Isboortiga Soomaaliyeed magac weyn ku leh, kana mid ahaa Ciyaartoydii hore ee Soomaaliya u ciyaari jirtay.
Ugu dambeyntiina, C/qani Jeenyo waxaa uu Farriin u diray Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay ka qeybqaataan sidii ay u horumarin lahaayeen Isboortiga Soomaaliyeed, ayna ku taageeraan qalab, lacag iyo wax kasta ay ku taageeraan, “haddii aan Isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha aan caawinno annaga horumar waan sameyn karnaa”ayuu yiri C/qani Jeenyo.
C/qani oo la ciyaaraya Kooxda Kubadda Kolayga Badda ee Muqdisho
Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Naadiga Elman iyo C/qani Jeenyo
Dad ka qeybgalay Ciyaartii Horseed iyo Heegan ee ka yaabisay C/qani Jeenyo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
