Talaado, December 02, 2008(HOL): Labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka tirsan Xaafadaha Magaalada Beledweyne waxaa ka jiray howl-gallo Ciidamada Maxkamaduhu ku xir xirayaan goobaha lagu cayaaro qamaarka, kadib markii la ogaaday in goobaha noocaa oo kale ah ay hoy u yihiin kuwo dhibaateeya shacabka waliba xiliga habeenkii.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay Albaabada isugu dhuftay goobo gacansi ahaan u furnaa laakiin inta badan ay ku kulmi jireen raga sida weyn ugu caan baxay qamaarka kuwaas oo qaarkood lacago iyo agab kaleba ku kala hela.
Sidoo kale Ciidamadu waxaa ay Xabsiga dhigeen in badan oo ka mid ah dadkii lagu soo qab qabtay goobaha Albaabada loo laabay halka qaar ka mid ah dadka la soo qabtay Maxkamadu ku fulisay Xukun Tacsiir ah oo heerar kala duwan leh.
Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan kuwaasoo ku faraxsanaa Xukunka ay riday Maxkamada Islaamiga ah ee Gobalka Hiiraan, mar haddii dadka xukunka lagu riday ahaayeen kuwo ku guda jiray falal ka dhan ah Shareecada Islaamka.
Dhinaca kale waxaa iyana xusid mudan in Xabsiga dhexe ee Magaalada Beledweyne ku jiraan Maxaabiis laga soo qab qabtay wadada isku xirta Gobalka iyo gobollada dhexe kuwaas oo marka la fiiriyo Shareecada Islaamka mudan kara in laga gooyo Gacmaha iyo Lugaha walow wali Maxkamadu aysan gaarin Xukunka Burcadda Ciidamadu soo qabteen.
Goobaha lagu cayaaro qamaarka ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaa ay ahaayeen kuwo caadi ka ah qeybo badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, waxaana in mar walba la xuso mudan goobahaasi sharci darrada ah marka aad booqato mar marka qaar aad ku arki karto dhaliyaro da'yar oo ku mashquulsan Isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiishka oo kale.
Laakiin Magaalada Beledweyne labadii cisho ee la soo dhaafay goobahaasi sharci darrada ah ma' aheynkuwo furan, waxaana muuqneysa in mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha Gobalku hadda si gaar ah isha ugu hayaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo si weyn u soo dhaweeyay howl-gallo Ciidamada Maxkamaduhu ku xir-xirayaan goobaha lagu cayaaro qamaarka
Cabirka Farta
More News
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo shil baabuur ku galay gudaha dalka Zimbabwe
- Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Baydhabo ku geeriyooday
- Xoogagga Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fariisin ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Burundi
- Laacib u ciyaari jiray Kooxdii K/Kolayga Jeenyo oo 20 sano kadib ku laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, lana kulmay wax uusan fileynin
- Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo weerar ku qaaday guryo ay Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
- Gabdho ka tirsan Xiriirrada Kubadda Kolayga iyo Laliska Soomaaliya oo sheegay in laga been abuurtay