Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya lagula dagaallamo Badda iyo Berriga

Cabirka Farta

Arbaco, December 17, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu isku raacay in Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida lagula dagaallamo Berriga Soomaaliya.

Golaha Ammaanka oo shir ka yeeshay dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in haddii kooxahaas lagula dagaallamo kaliya Xeebaha ay ku dhuuman karaan Berriga u dhow xeebaha ay wax ka  af-duubtaan.

Laakin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa shaaca ka qaaday in inta aan la bilaabin howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha Burcad Badeedka loo baahan yahay in marka hore ogolaasho laga helo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Dowladda haatan ka jirta Soomaaliya.

Markii uu soo baxay go’aanka uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka qaatay Burcad Badeedka Soomaalida ayaa qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa lagu soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka, iyadoo qoraalkaas lagu xusay in loo baahan yahay in lala dagaallamo Burcad Badeedka si ay Xeebaha Soomaaliya u noqdaan kuwo ammaankooda la isku haleyn karo.

Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha ayaa waxaa haatanba ku sugan Maraakiib ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka, Ruushka, Faransiiska, Spain, Hindiya iyo kuwo kale oo ka socda Dalalka Midowga Yurub, hayeeshee ilaa iyo haatan waxaa lagu heystaa Xeebaha Soomaaliya Maraakiib dhowr ah oo ay ku jiraan labo Markab oo mid uu wado Hub, midka kalena Saliid Ceyriin oo labo Milyan oo Fuusto gaareysa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia