Arbaco, December 17, 2008(HOL): Dowladaha waa weyn ee reer Galgeedka ee ku jira Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya u aqoonsan yihiin Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Cali Axmed Jaamac Jengeli oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii hore ee Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana ka qeybgalay Shirka ay Kooxda Caalamiga ah ee la xiriirka Soomaaliya ay ku yeelataya New York ayaa sheegay in Dowladihii ay arkeen oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwo kale ay u sheegeen in ay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya u aqoonsan yihiin Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Cali Axmed Jaamac Jengeli oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in labo go’aan oo uu soo saaray Madaxweyne Yuusuf oo kala ahaa in uu xilka ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere uu ahaa mid qar-iska-tuurnimo ah oo aan laga fiirsan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Kooxda Caalamiga ah ee la xiriirka Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay khilaafkooda ku xaliyaan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aanka ay Kooxda International Contact Group (ICG) ay ka qaadatay qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladaha siyaaso iyo ammaan ee Soomaaliya ay yihiin kuwo aan hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia