Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku dhawaaqay in uu xilkii ka qaaday Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde

Cabirka Farta

Axad, December 14, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saaka shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu xilkii ka qaaday Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Xukuumaddii loo dhisay Soomaaliya Bishii November 2007 ay wax qaban weysay, isla markaana ay ku sifowday qayaano qaran, dalkana uu ammaankiisa faraha ka baxay, wuxuuna sheegay in aysan fulin waxyaabihii laga sugayay sida buu yiri ku cad qodobka 11aad ee Axdiga KMG ah farqooyinka 8aad, 9aad iyo 10aad.

"Dhamaanteen waxaa  la wada soconaa marxalada adag ee uu dalka ku sugan yahay iyo wax qabad la'aanta xukuumaddad federaalka Soomaaliya, iska daa in ay wax qabatee, xitaa waxay hanan weysay waxyaabihii ay horay u qabatay Xukuumaddii hore"ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo la hadlayay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa uu sheegay Madaxweynaha in uu muddo 30 maalmood gudahood ah uu ku soo magacaabi doono Ra'iisal Wasaare soo dhisi doona Xukuumad awood leh, wuxuuna caddeeyay in inta uusan soo magacaabin Ra'iisal Wasaaraha uu la tashan doono Mudanayaasha Baarlamaanka.

"Mudanayaal iyo Marwooyin ku xad-gudubka Axdiga KMG ah ma ahan dembi caadi ah ee waa qiyaano qaran, sharci ahaan Xukuumad waxaa kalsooni la siiyaa marka lagu qanco xubnaha xukuumadda"ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in Xukuumaddii uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ay sharci ahaan dhacday kadib markii ay is-casileen sida uu u yiri 3 meelood labo meel xubnaha Golaha Wasiirradda.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Yuusuf in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in uu sii socdo barnaamijka dib u heshiisiinta ah balse ay lagama maarmaan tahay in la saxo qodobo uu sheegay in ay Axdiga KMG ah ka soo horjeedaan.

Xil ka qaadista uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku sameeyay Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu dhawaanahan soo jiitamayay khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, kaasi oo maanta uu shir ka lahaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga saameynta ay xil-ka-qaadistan ku yeelan karto wada hadalladii dib u heshiisiinta ahaa ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in Ra'iisal Wasaaraha uu kaalin muuqata ku lahaa Wada hadalladaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia